Mudane Siilaanyo iyo Marcus Garvey oo ahaa Filosoofar Jamaica u dhashay maxay iskaga mid yihiin ?

 

Waa laga yaabaa inad marka hore intaanad akhriyin sheekada is waydiiso, maxaa qaaday wadaadkan ee ku sanduleeyay inuu Jamaica-man iyo Somalilander isku keeno, waana gartaa, ha yeeshee la soco dadka waxyaabo badan oo waayuhu keenaa iyaga oo qaarado ku kala nool, ama ifkaba aan wada joogin masayn karee!. Intaa ka dib aan ku noqono halkay sheekadeenu daaranayd iyo labada mudane.Siilaanyo iyo Marcus Garvey.

 Weliba horta Siilaanyo waad taqaanaa oo waa sida Cadceedaa oo in hada dadka la baro uma baahnee, aan inyar kuu yara saafo ninka uu ahaa Marcus Garvey, Marcus waxa uu ahaa nin u dhashay dalka Jamaica qarnigii labaatanaad, waxa uu ahaa nin ifka yimid dadkiisa oo la gumaysto oo dad kale u taliyaan, waxa kale oo lagu barbaariyay oo si fiican loogu haqab tiray xanuunkii, gunnayntii, xasuuqii, dhibkii iwm ee dadkiisa ka soo gaadhay xiligii '' adoonssiga '', waxana uu barbaaray oo uu taabogalay xiliyadii caalamaka dhaqdhaqaaq xoriyad doonka ah iftiinkisu ka huray.

Marcus oo dhibtii gumaysiga ama adoonsigaba kala mid ahaa kumanaan ama malaayiin kale oo Jamaica ku nool, oo aanay si gooni ah waxa isaga u soo gaadhin, ayaa hadana tayada qofeed ee fiicani isma qarisee, oo waata la yidhaa '' Sumal baraar kuma jiree '' markiiba is waydiiyay siday u dhaci karto in nin isaga la mid ahi, adawgii soo adoonsaday, aabihiina gumaystay, isagana hada u talinayo. Fikirkii halkaa ka dhashay falkiisii iyo dareenkiisii wax iska caabinta ahaa ee ka aloosmay, waxa ka soo mudhay Falsafada hada sida xun loo tarjumay ee '' RASTO-FAARO '' oo markeedii hore ama haatanba ah, falsafad lagu diidayo gumaysiga, quudhsiga, yaraysiga, isla waynida iyo intii kala mudnaansho oo dhanba keeni karta.

Marcus Garvey waxa uu ahaa ninkii aasaasay Falsafadaa Raasto-faara, oo magac ahaan ka soo jeeda, Ras-ta-fare oo ah eray AF-amxaara oo ah ( darajadii / magacii Xayle Salaase), oo uu dadka reer Jamaica oon weligood arag xoriyad, ee adoonsi iyo gumaysi uun ku soo jiray kolay qarniyo, uu ku barayay inay jiraan dad madaw oo sidooda oo kale ah oo boqora ahi, bal si ay qabkoodii habsoobay dib ugu soo nooleeyaan oo heeryada iska ridaan adoonsigii iyo gumaysigu saareen, waxa uu ka dhaadhiciyay in boqoradaa madawbi ay yihiin qaar weliba la siman amaba wax dheer boqoradan Cadaanka ah ee ay iyagu u haystaan in ilaahay doortay, waxa qayb libaax ka qaatay taabo galinta falsafadaa '' raasto faara'' fanaankii waynaa ee la wada yaqaana ee la odhan jiray '' Bob Marley- raaso-faara man, Ye-man!''; oon filayo inad heesihii ay ku daruuraayeen erayada qiirada lihi wax ka xasuusan tahay, sida, '' Get up! Stand up! fight for your right, don't give up the fight! ''.

Marcus Garvey halgankii uu ku kobcinayay qabka iyo milgada dadkiisa reer Jamaaica kuna baraarujinayay ee uu lahaa heeryada iska rida oo rag noqda, waxa uu kala kulmay cadaadis badanoo oo kaga yimid xukuumadii markaa gumaysan jirtay Jamaica, waa Ingiriis-e, ka dibna markii xamili kari waayay inta uu ka hayaamaay Jamaica ayaa waxa uu Ilayskii uu shiday iyo halgankii u sii gudbiyay dalka Maraykanka oo uu ka sii anbaqaaday, isaga oo dadka Afro-american-ka ah ee maraykanka ku nool oo ay isku xaalad ahaayeen iyagana, ku dhiiri galiyay inay wax noqdaan ooy wax iska celiyaan, oo uu xataa Marcus Garvey ka mid noqday ragii lahaa fikrada ah, aan Africa dib ugu noqono oo qaaradeenii dhisano! Sidii Jamaica loola dagaalamayay ayaa USA-na dawladii maraykanku uga soo hor jeesatay dhaqdhaqaaqa uu Marcus Garvey wado, waxana ay u sameeyeen shirqoolo badanoo qaarkood lagu dili gaadhay, waxa dawlada maraaykanka iyo Ingiriiskuba adeegsanayeen qaar ka mid ah kuwan uu u dagaalamayo, ee ama Jamaican-ka ah ama Maraykanaka madawba ah!.

Isku soo duuboo aakhiritaankii Marcus Garvey markii ay waxba la fahmi waayeen kuwii uu u xaydnaa ee uu dabka ugu jiray, ee uu haliso badan, xadhig, dhegxumo iyo dhib dartood u mutay waxa uu ku soo noqday Jamaica oo maalmahii u danbeeyay noloshiisa ku qaatay, isaga oo weliba qaar aan aragti durugsan lahaynoo faro guudkood wax loogu qadhiidho ku qanacsani la daba socdeen dacaayado ay ka mid yihiin waa Tuug , wuu waalan yahay iwm. ' Aduunyooy Xaalkaa ba' !. Marcus Garvey, dadkii uu u dhashay kama ay faa' iidaysan oo lama ay garan waxa uu la doonayay waa cawo daro, habase yeeshee ifkii uu daaray dhankuu doono iyo siduu doono ololkiisu ha u baxee wali waa shidan yahay, oo qaaradaha aduunka meeshaad tagtaba '' raasta-man'' waad ka helaysaa.

Aan ku nooqno hadaba, halkay ujeeday sheekadu oo ah maxay ka siman yihiin mudane Siilaanyo iyo Marcus Garvey?

- Waxay ka siman yihiin Siilaanyo iyo Marcus labaduba ka dhiidhiga xaq-daro iyo dalasi lagu hayay dadkay ka dhasheen, weliba iyaga oon midkoodna dhib gaara ah oo ka duwan ta guud ee dadka wada saarani soo gaadhan, waxana taasi ay cadaynaysaa '' xubinta dheeriga ah ee Ilaahay ku manaystay ''.

- Waxa kale oo ay ka simana yihiin in dhibta ka soo gaadhay maamuladay is hayaan ka sokow, ay jiraan qaar kuwan ay u xaydan yihiin ka mid ah oo hagardaamo ku wadaa!

Gabagabada maqaalkan yar, waxan is waydiinayaa Toloow, Marcus Garvey dadkiisii reer Jamaica iyo Maryakan la garanwaaye hankiisii iyo hindisihiisii Tolmoonaaye, reer Somaliland iyagu mudane Siilaanyo ma la garan doonaan Guryo-samada uu la damacsan yahay inuu geediga ku furo?!.
 


 


Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 



Cali Cumar Xasan