Muddo kordhin danbe waa xaalad Nabadgelyo daro iyo Burbur/ G/Sharcidejintuna waa inay raacaan qodobada distoorka


 

qodobkiisa 83 aad duruufihii .. ma muuqdaan wax qiila oo korodhsiimo... waa inay iskood isu casilaan .. M/Riyaale xukunka ka dego ama xilka xayuubin lagu ..si doorasho ay u qabsoonto..dalkana loo badbaadiyo dibna loogu celiyo waddadii toosnayd ee uu wakhti hore laga soo leexiyay..in uu distoorku kala siiyey  awooda ha saddexda waaxood ee ay dawladu ka ....M/weynaha oo xilkiisii doorasho gudan waayey mana noqonayso muddo kordin loogu abaalgudo markasta...Xukuumada iyo xilkii doorashada oo ay ka soo bixi waayeen dalkana ay dambi ka galeen.isagoo sameeyey distoor jebin xadka ka badan..dalkana ay dambi ka galeen..

Somaliland waxay daaqaysaa halis u keeni karta burbur waxaana muhiima in lagu badbaadiyo doorasho xor ah oo loo simanyahay, taasoo ay ugu horeyso in Madaxweyne Riyaale iskii isu casilo iyo in xil ka xayuubin lagu sameeyo xukunkana laga dejiyo dalkana loo dhiibo maamul ku meelgaadh ah, Ma jiro xal kale oo aan ahayn in Riyaale xukunka ka dego ama xilka xayuubin lagu sameeyo si doorasho ay u qabsoonto,dalkana loo badbaadiyo dibna loogu celiyo waddadii toosnayd ee uu wakhti hore laga soo leexiyay.


Waxaanan u Hambalyeynaynaa Golaha Wakiilada oo go’aansaday inay mowqif cad iska taagaan wixii dan u ah Somaliland, sidoo kale dadweynaha Somaliland ayaa ah kuwo ka soo baxay kaalintoodii oo markasta ilaashada nabadgelyada iyo magaca dalkooda, guuldarrada ugu weyn waxay kaga timi dhinaca maamulka dalka haya oo sharcigii dalka ku dhaqmi waayey.


Sideedaba Ummadi waxay raacdaa hadba waxay qorato kaas oo ay ugu yeedho Sharci amaba Distoor, waxaa kale oo jira sharci kale oo aan qornayn oo loo yaqaan Common Sense oo ay ummadi ku gar naqsan karto.


Hadaba haddii aynu dib ugu noqono waxa inoogu qoran Distoorkeena iyo waxa uu ka leeyahay haddii aynu soo qaadano qodobadan:

Sida uu dhigaayo QODOBKA 37AAD Distoorka Somaliland Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo, Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka, sidoo kale QODOBKA 9AAD Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag,dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

Dhismaha Qarankeenuna wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.


Qodobkani waxa uu inoo sheegayaa in uu distoorku kala siiyey awoodaha saddexda waaxood ee ay dawladu ka kooban tahay, wax, waana dhab in awoodahaas uu distoorku u kala qaybiyey, Awoodahaasi kala qaybsan Madaxweynaha oo ah  mada xa haayada Fulinta ayaa Golaha Xeerdejintii awood aanu lahayn ku isticmaalay  Gol aha wakiilada damcayna inuu ka dhigto sidii waaxdii garsoorka oo waa hore u  gaca ngashay:isagoo sameeyey distoorjebin xadkaa ka badan

Madaxweynaha iyo madaxweyne k/xigeenka waxa ay mudadoodu ku eegtahay 29Octobar 2009 distoorka waa laga waayey wax qiil ah oo ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku ku sii fadhiyaan distoorka qaranka qodobkiisa 83 aad duruufihii loogu kordhin lahaana ma muuqdaan wax qiila oo korodhsiimo ahina ma muqato waa inay iskood isu casilaan haddii kale golayaasha Sharci dejintu Shaqadooda qabsadaan xilgudasho la’aanta Xukuumada iyo xilkii doorashada oo ay ka soo bixi waayeen dalkana ay dambi ka galeen.


Dib u dhaca doorashada madaxtooyada dhowrka jeer waxaa keenay  Madaxweyn aha oo xilkiisii doorasho gudan waayey mana noqonayso muddo kordin loogu  abaa lgudo markasta, Muddo kordhin danbe oo la sameeyaa waxay keenaysaa xaalad nabadgelyo daro iyo burbur sidaa darteed waa in golayaasha Sharcidejintu  raaca an qodobada distoorka ee tilmaamaya banaanshaha jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.Golaha wakiiladu waa haya’adii sharci dejinta xaq bay u leeyihiin inay maamuus ka xayuubin sameeyaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa "waa in xilka xayuubin lagu sameeyo madaxweynaha Iyo M/Xigeenka, lana helaa Dowlad dalka gaadhsiisa Qabsoomid Doorasho Xora oo xalaala waqtigeediina ku  dh acda.

waxaa u fiican madaxweyne Riyaale inuu isagu iskii sida ugu dhakhsaha badan  isa ga casilo jagadiisa, kaddibna uu ka qeyb qaato hannaanka Doorashada , isagoo  mu sharax xisbi ah, Haddii uu ka dhega-adaygo Golaha Baarlamaanka way ka  go,an  t ahay qorshaha xil ka xayuubinta madaxweyne Riyaale, waa hadii uu isagu is casili waayo, Golayaasha Sharcidejintuna waa in ay geed walba u koraan sidii dalka ay doorasho u qaybsoomi lahayd lugana soo dabbaali lahaa Xukuumadii doorashadaa suurtagelin lahayd, Iyada oo aanay doorasho ku dhacayn haddii Daahir Riyaale kursiga sii fadhiyo, lana ogyahay inaanuu ku samayndoonin bilo wixii uu ku samayn waayay 7 sannadood.,Taasoo aan ku iman awood la’aan hase yeeshee ah go’aan isaga ka soo go’ay inaan doorasho dalka ka dhicin sidii uu ku horjoogsan karana uu ku horjoogsanayo Iyada oo aanay marnaba dhici karin doorasho xalaal ah oo loo simanyahay marka uu xukunka ku fadhiyo nin xisbigiisa u isticmaalaya hantida  qar anka ee dhexda ahayd.
 


-Allaa Mahadleh-



By: Adan Yusuf Elmi