Muddo Kordhinta Xukumadda Iyo Maamuus Jabka Magacii Mugawaynaa

 

Marka aynu odorosno muuqaalka guud ee dalka somaliland iyo xaalada filan waa ee soo korodhay,waxa kuu soo baxaya in dhamaan ay soo gebe-geboowday himiladdii la naaawilayey ee ahayd in mustaqbalka ay dawlad caalamku aqoonsadaa ka hana qaadi doonto dalka,si dhakhso ahna looga gudbi doono xaaladda adag ee bulshadu ku jirto,soona jiitantay mudada haatan,sida shaqo la,aan,horumar la,aan dhinac walba leh,baasaaboor la;aanta iyo karaamo la;aanta guud ee qiimahii dal iyo bulsho loo aqoonsan dad jira oo dunida ka mid ah.

Rejo ay qabtay Bulshada dalku awgeed,waxaa loo dulqaatay,loona samray mudooyin-kordhin tiroba dhawr jeer,sida Madaxtooyada,Golaha guurtida iyo xiliyada ay doorasho qabsoomi lahayd oo la hakiyo.


Waxaana inta badan dulqaadka dadwaynaha iyo in ay iska indho tiran hagardaamooyinka xukumadooda ka mid ah barnaamij cabsi xambaarsan oo si fiican looga dhaadhiciyey oo ah haddiiba dalka isbedel xukumadeed ku yimaado waxaa dhici dagaal iyo baro-kaac saddexaad.

Waxaa kale oo la waraabiyey bulshada taxliil ah in nabada dalka iyo ummaddisa Eebaheen ugu deeqay ay gacanta ugu jirto Odayaasha guurtida ah iyo Madaxtooyadda,haddiiba labadaasi isbedel ku yimaadana dalka iyo deganaanshahu aanu ka dambayn doonin.

Hadaba,waxaan ummada u sheegayaa,marka hore waa gef iyo dambe shirki wayn noqon kara in awooda iyo galada Eeebe la siiyo cid kale iyo ibna-aadam gefbadane.
Taasi awgeed ummadu ha yaqiinsato Nabadu in aanay bin-aadam gacantii marnaba ku jirin,Allena loogu mahadnaqaa. Sidaas awgeed,laga gudbo qaadasho dulli iyo cadaalad-darro joogto ah iyada oo la suulin karo.

Waxaa kale loo baahan yahay in bulshadu is waydiiso waa kuwama Odayaasha guurtida ahi iyo kaalintee ayay bulshada ugu jiraan.

Aragtidayda waa Odayaasheeni birma-gaydada ahaa ee loo noqon lahaa marka xaal murgo oo ku milmmay siyaasadda, ka dib xadhko goostay.
Waa odoyaasheenii oo la wadaagay,kulana shuraakoobay hadba ninkii Kursiga ku fadhiista cashuurta laga urursho danyarta oo xalaalaystay Hantida ummada oo maal-agoomeed ah,guryo dhaadheerna looga dhisay kaliya in ay Kursiga ku ilaaliyaan haddba daalinka ku fadhiista,xaqdarro kastana kula walaal ah.
Waa Odayhaasheenii oo ku bedeshay qiime aduunyo oo
jaban karaamadoodii,sharaftoodii iyo aakhiradoodii intaba,shaydaana ilawsiiyey mawdka iyo maalinta dhaw. Waxaanay ay lumiyeen kaalintii iyo magacii guurti oo ahaa mid dhaaqankeen mugwayn ku lahaa.

isku soo wada duub oo talaabada ay maanta qaadeen muddo kordhinta xukuumadu, waa mid qof wal oo soomaliland danaynayayba quus iyo walaac ku abuurtay,kana farxisay cadawga somaliland.

Waanay cadaatay in gudidii Komishanku meesha ka baxay ka dib markii guurtidu cayintay waqti-beened la qaban doono doorasho. Xaqiiqaduna kama foga in la isu-joojinayo soomali inta colaadaha ka aloosani koonfur ay damayaan,isla markaas ay jiraan dabinno xidhan oo ku lidi ah madaxbanaanida somaliland oo hogaanka dalku dilaal ka yahahy,waxaana u markhati ah socdaalkii u dambee yey Madaxwayne Reyaale waxaa uu shirar gooni-gooni ah oo qarsoodi ah la soo yeeshay Madaxda Jabouti iyo tan Ethiopia oo labaddu ku hawlan danaha soomaaliwayn,kuna liddi ah jiritaan soomaliland.

 

 



Mohamed Adan Omer