Muj Bashe Abdiyare xaqiiqdii jirtey buu ka dhawaajiyay, Faysalna tuhun iyo huuhaa danbe u dulqaadan maayo

 


 

Waxan halkan ka salaamaya shabakada ha runtii ku abtirsada JSLand ee sida hagar la'aanta leh wararka noogu soo gudbiya, iyo dhamaan shacabka somaliland ee karaamada iyo sharafta badan leh.

Baryahan ba waxa waraabinta iyo saxaafadu lagasoo daabacayay HUUHAA iyo war an raad iyo sal  too na la heyn, wuxu illaahey diinteena suuban inagoo sheegay inuu TUHUNKU XAARAN YAHAY, waxakaloo  dhaqankeena wanagsan runtii kaba xaaran ah inaad aqbasho been iyo waxaasu hebel lahaa iyo ku tir ku een, waxa u illaahey yidhi ku dhawaaq runta hadii waxwalba ka qadhaadhahey oo sheega, waxa hadaba maanta soo afjarmay oo illaahey loogu mahadiyaa, Mujaahid Bashe Abdi Yare oo runtii ka badheedhey islamarkan sida quruxda bada ee geesinimada leh uga jawaaba su||'aashii mudada badan inagu dabada dheeraatey aheyd waxbuu ka ogaa xadhigii dhalinyarada UFFO xadhigooda ama lugu buu ku lahaa Faysal Cali Waraabe, waxa haddaba mudan in uu shacabka JSLand ee mudada 29 sanadood lagu shubaya  been ta an habayaraate aan waxba ka jirin in raggaasi odayaasha ah ee malawaalka iyo kutirirkuteynta  aam insanaa ay raali gali buuxda bixiyaan runtana u soo noqdan, mudane Faysal wuu karaa inuu cafiyo oo u ilaaheysa ku hadho, waayo *Faysal waa nin diinta illaahey ku xidhan oo aaminsana.

Waxan haddaba runtii mudan in la is xusuusiyo kaalintii waxtar ka aheyd ee uu gudoomiye Faysal ku  lah aa nabadeyntii dagaaladii qadhaadha ee sokeye ee dalkeena ka dhacay 93, runtii waxan aaminsanahay oo mudan in la sheego, waqtigii adkaa ee somaliland soo maray inuu Faysal ahaa hormoodkii nabad  ku soo dabaalay dagaaladii sokeye ee dalkeena ka dhacay, runtii Faysal wuxu u jilib dhigay oo u is  hortaag ay tolkii oo u aabihii Cali Xussein hor kacayo oo hubeysan, waxa uu Faysal horjoogsada ama ka horyimid siyaasiyintii garxajis ugu culsaa oo somaliweyne ku dhawaaqay, wuxu Faysal dalkan ku soo dabaalay nabadgalyo iyo isafgarada isagoo aaminsan in ay soomaliland noqoto dal nabad ah oo aqoonsido, kuwa sheegay Huuhaada IYO been abuurku maxay uga hadali waayeen guulaha u Faysal hormoodka ahaa ee u dalkan kusoo dabaalay, ragga maanta dawladan kulmiye horboodayaa waa kuwii gacmaha dhiiga kula jiray ee dagaalada sokeye laha YAAN LA ISKU JOOJIN ILA lakala adkaado, kuwii baa maanta doonaya in ay burshkii iyaga la marin lahaa in ay Faysal mariyaan.

Waxaan aaminsanahay inuu illahey ka dhawaajiyay mujaahid Baashe Abdi Yare oo runtii ahaa ragga ugu mudan ee ka tirsanaa ururkii UFFO, xaqiiqduna ay tahay tuhun iyo been abuur aan jirin iyo kutirkuteyn

Mudo hore ayaan maqlay sheekadan been abuurka ah oo an doonay inaan ogaado xaqiiqdeeda, runtii  w axa ay sheekado dhaafi weyday ee Faysal lagu heysta ADEN ALI GUHAAD Aden waali BEY ilmaadeer  ah eyn, oo ah ninka lagu tuhunsan yahay inuu wargeyska UFFO u gudbiyay dawladii somaliyeed ee xilligaasi jirtey ee dhalinyarada xidhxidhdhay, Waxaan leeyahay raggii ka midka ahaa UFFO ee xaqiiqda ku dul  raf tey ee wareysida bixiya iyo Maxamed Baaruudka boga qoreyba maalaha mudadii dheereed ee ad  xadhi ga iyo jidh dilka la idinku sameyanaya ayaad waxbadan iloowdeen oo masakaxdiinu ba maaha mid la  war eysan karo, ee bal dhakhaatiirta iyo culmada ha ka fogaaninan si caafimaadkiina loo la socdo.

Waxan kusoo gabagabeynayaa BEENEY WAA RUN, sheekadii UFFO qaar ka mid ihi dadka ku  maaweelinaye enin halkaasey ku dhamaatey

Waa bilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway