Muj. Xasan Ciise oo ka Hadlay Sababta uu uga Baaqsaday ka Qaybgalka Xusaskii SNM

 

Guddoomiyaha ururka SNM, isla markaana ah Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland, Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka baaqsaday inuu ka qaybgalo xusaskii kala duwanaa ee shalay loo sameeyey aasaaskii ururka SNM, isaga oo ka mid ahaa aasaasayaashii bud-dhigga u ahaa ururkaas.


Laba munaasibadood oo lagu xusayey aasaaskii SNM oo lagu kala qabtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaanu midna ka qaybgalin Guddoomiyaha SNM Muj. Xasan Ciise Jaamac, isaga oo aan ka maqnaan jirin xusaskii hore ee maalinta 6da April.


Muj. Xasan Ciise Jaamac oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay, si aannu wax uga weydiino sababta kaliftay inuu ka baaqdo xuska aasaaskii ururka uu Guddoomiyaha u yahay ee SNM, ayaa sheegay in arrintaasi la xidhiidho khilaafka hadheeyey SNM ee muddada soo taxnaa, waxaannu xusay in halkii uu labada garab ee xuska qabtay uu dhinac raaci lahaa uu ka doorbiday inuu ka baaqsado munaasibadahaas lagu xusayey aasaaska SNM.


“Arrintani waxay la xidhiidhaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira meelo badan oo adduunka ah oo SNM-na ay ka mid tahay. Shalay [Axaddii] waxa ii yimi rag waaweyn oo ka mid ahaa bud-dhiggii SNM oo ka kala socday labada dhinaca ee KULMIYE iyo UDUB oo igu martiqaaday in aan kala soo qaybgalo xuska ay SNM u sameynayaan, markaa markii aan eegay labada xus ee labada dhinac kala wataan oo isu soo beegmay, ayaan go’aansaday in aanan midna tagin oo xataa haddii midba gelin ahaan lahaa waan ka qaybgali lahaa oo isku waxbaan ka odhan lahaa, laakiin isku saacad bay noqdeen, markaa way ila adkaatay in aan meel raaco, sidaas ayaanan u kala dooran kari waayey,


Khilaafka SNM ku dhex jiraana horeba wuu u jiray oo waa la wada ogaa, khilaaf kalena maahee raggii ahaa laf-dhabarta SNM ayey qaarna UDUB ku jiraan, qaarna KULMIYE ku jiraan oo kala afkaaro iyo kala siyaasad ayey noqdeen, laakiin meel baa berigii hore la isugu iman jiray oo lagu wada xusi jiray oo nin waliba waxa uu doono ka odhan jiray, maantase markii u horreysay laba xusi ka kala dhacaan Hargeysa,” ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise Jaamac.


Waxa Guddoomiyuhu sheegay in xuskii SNM ku soo beegmay maalin khilaaf siyaasadeed ka taagan yahay dalka, taasina sii hurisay khilaafkii ku kala dhexjiray mujaahidiinta SNM, isla markaana sababtay in markii u horreysay laba meelood oo kala duwan laga xuso aasaaskii SNM magaalada Hargeysa dhexdeeda, iyada oo markii hore goob keliya oo Beerta Xorriyadda ama Khayriyadda ah lagu qaban jiray.


Muj. Xasan Ciise Jaamac oo aannu waydiinay waxa uu ka ogyahay sababta xukuumaddu u mamnuucday in xuska SNM lagu qabto Beerta Xorriyadda, waxa uu ku jawaabay; “Waxa ka kaxeeyey in Beerta Xorriyadda lagu qabto xuska SNM xummadda siyaasadeed ee waqtigan ka taagan dalka iyo xummadda doorashada soo dhawaatay,” ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac.


 

 



Jamhuuriya Online