Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo London soo gaadhay





London (TNN)-Waxa manta kasoo degan garoonka diyaaradaha ee Heathrow International Airport Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xaalad caafimaad loogu soo qaaday dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa garoonka kusoo dhaweeyey dadweyne fara bada n oo isugu jira ,Xildhibaano,dhalinyaro,Haween , Ururada Siyaasada Somaliland iyo qaar ka m id ururada arimaha Bulshada.

C/raxmaan Cabdiqaadir oo saxaafada la hadlay” waxa uu aad ugu mahadnaqay dadkan far aha badan ee soo dhaweeyey iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee taageerada weyn ii fidiyey gudo iyo dibadba waxa kale oo uu yidhi Sida aad arkaysaanba dhaawac ayaan ahay waxaanan halkan u imid dhakhtar Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu nabarkaa igu dhacay ilaahay ii sahlo.

C/raxmaan Cabdiqaadir waxa lagu riixaayey gaadhiga lagu qaado dadka aan socon karin,wax aanu qabaa nabaro sida uu sheegayna waxa uu si deg-deg ah ugu tagi doono dhakhtarkisii.

Waxa aan idiin soo gudbin donaa Hadii Illahay yidhaahdo wararka ku saabsan Mujaahid Cabdi raxmaan Cabdiqaadir iyo weliba xaaladiisa caafimaadba.
 

 

Xamse A Salaan
London
Xamse100@gmail.com