Mujaahid Cali Guray oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Aba abulayaan Dagaal Sokeeye oo ay ka ridaan Dalka

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Af-hayeenka Xisbiga Udub Mujaahid Cali Guray oo Xalay ka hadlay Telfishinka Qaranka Somaliland, ayaa Qaar ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay ilaa Hogaamadii SNM ilaa iyo Xukuumaddihii kala duwanaa ee  So mal iland in ay ku hayaan Burburin isla markaan Dagaalo ka ridaan, Isaga oo farta ku fiiqay dhacdooyinka ugu danbeeyay ee ay imika wadaan in ay ku doonayaan in ay  faw do iyo qalalaase ku badalaan Hogaanka Talada haya, sidoo kale waxa uu Cali Guray ku  tilmaa may fadeexadii Calanka Udub ay ayga ugu xidheen in ay tahay mid Kulmiye ku wax  yee laynayay Axsaabta Qaranka oo aan ka mudnayn in la burburiyo, waxaanu sheegay Xisbi ahaan marnaba in aanay iyaga ka suurto galayn falkaas la mid ah in ay ku sameeyaan Xisbiga Kulmiye.


Cali Guray waxa uu eedaymaha uu u soo jeediyay Madaxda Kulmiye Saldhig uga dhigay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ay ku bedaleen Hogaamadii kala danbeeyay ee SNM, oo uu sheegay dhamaantood Mu’aamaradaha iyo kicinta ay imika Daahir Rayaale ku wadaan ugu suurto gashay, balse aanay maanta u soconaynin oo aan laga yeelaynin Madaxwayne danbe oo la doortay in ay talada sidii kuwaa hore uga qaadaan.Waxaanu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:-

“Maanta ta ay wadaan Kulmiye, anigu waxaan qabaa C/raxmaan Axmed Cali bay ku  dh amaatay, Nin la doortay oo ay Nimankaasi mar danbe yidhaahdaan ka soo bax, oo lagu dhintay, Nin danba oo idinka aqbalaya ka soo baxa, iyo Nin danbe oo aad tidhaahdaan ha laguu duceeyee soo dhaaf oo aad Dadka ku kicisaan ma jiro.

Ragii Axmed Jimcaale Riday waa kuwii Sheekh Yuusuf riday, Ragu way kala hadhaan Nin baan isagu hadhayn, ilaa maalinkaa maantaa ee Daahir Rayaale ilaa Axmed Jimcaale  w uu soo taagan yahay, yaa kuyidhi isaga Dadka adigaa ugu wanaagsan, maanta Taladii Xisbiga Kulmiye iyo waxan ay wadaan waa Dhiig sokeeye iyo Dagaal ka soo socda, waxa maanta Raga Kulmiye ka taliyaa ay wadaan wax ka yar maaha, laba iyo Tobankii sano ee ugu danbeeyay iyo maanta Maalin uu Dagaal sokeeyo ka dhaco maanta maalin ay  u ga dhawadahay ma jirto, haddii mudaharadka yar ee la sheegayo marka ay xabad yari ka dhacdo hadii uu Qof ku dhinto, Maxamed Xaashina Masuul kama aha, Gaboose Masuul kama aha , waxa Qaran la yidhaa oo Masuul ka ahina ma jiro, waxa ka masuul ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye”
 



Source:SN