Mujaahid Cali-Gurey laguma xidhi karo ra'yigiisa iyo aragtidii sa,
afweyne wuxu mujku ula dagaalamay inu xoriyatul qawl iyo
dimuqradeydu inu helo
Baryahan ba waxa dalkeeni hooyo ka jirey xaalado runtii an
wanaagsaneyn o muwaadinta iyo qaranka ba lagu waxyeeleynayo
islamarkan mijo xaabinayo qarannimadeena, mudadii aynu gooni isu
taaga somaliland ku dhawaaqney waxa runtii dalkeena ka hirgalay o
ilaahey loogu mahad naq aa dimuqradeyd iyo xoriyatul qawlka o sidii
la doonayay uga hirgalay nidaameydii dalkeen so mara ee kala
danbeyay.
Haddaba maanta waxad mooda dawladan Kulmiye e u madaxweyaha ka yahay
mudane Siilaana yo in ay dib inoogu celineyso xaaladihii qariban ee
shacabkeena iyo xoriyatul qawlka lagu cabu dhin jiray kuwaaso aynu
mudo ka so doogney, maanta maaha maalin dadka afkooda xanjo lagu
dhajin karo, waan xaaladihii ama ayaamihi adka ee aynu kasoo
dagaalaney in leyna cabudhiyo o la yidhaahdo wax ma sheegi kartan
mana cabiri kartan ra'yigiina iwm. Maaha in madaxdhaqmey da iyo
muwaadinta ba lagu dabogalo waxbaad tidhi iwm laguna xidho hadal iwm,
runtii dimuqra diyadu wax ay ina fareyso inu qofku hadali karo
ra'yigiisan cabiri karo xorna u yahay.
Kuwa maanta leh mujaahid Cali-Gurey
muxu u hadalaya ee u ra'yigiisa u cabiraya - waxanu idin sheegaynaa
in ad baal marsantihiin dimuqradeydii iyo xoriyatul qawlkii iyo
shuruucdii dalkan lagu xoreyay ee lagu heshiiyay, waad la socoteen
sababaha inagu kalifay in aynu dagaal hubeysan ku qaadno afweyne
waxa nambar wan ka aheyd xoriyatul qawl la'aantii iyo cabudhintii
shacabkee na la cabudhiyay. Maanta laga yeeli maayo dawladan jirta
iyo kuwa soo socda ba cabudhin iyo cago juleyin iyo wax la mid ah.
Anigoo ku hadalaya magaceyga iyo inta ila dareen ah ee shacabka
somaliland ah waxanu taliska maamulka kulmiye u sheegayna in an muj
Cali Gurey iyo kuwa la midka ah ba an ra'yigood xorta ee ey
cabirabayaan an lagu xidhi karin loona cago jugleyn karin. Waxan
qoraalkeygan uga digaya maamulkan maanta jira in anu noqon mid
huriya dab islamarkan abuura xaalado colaado sokeeye o runtii dalkan
nabadgalyadiisa iyo horumarkiisa dhibaateeya ah dibu dhacna inoo
horseeda, mid na wa iga talo bal dib u yara xusuusta oo cajalada dib
u yar celiya ama dib u yar dhegeysta wixi ad ku hadli jirteen e
warbaahinta Raadiyow HORYAAL u adeegsan
jirteen iyo fagaarayaasha.
Wa bilaahi Tawfiq
Omar
Darood Hassan
Norway |
|