Mujaahid Faysal Cali Waraabe,waa halyey mu dan bilad geesi,baal  dahabana kaga qoran taariikhda  Somaliland

 

Marka hore waxaan salaan sharaf iyo qadarrin mudan u gudbinayaa  dham maan walaalaheyga reer Somaliland meel walba oo ay joogaanba.

Sidaan la wada soconno  duruufaha adag iyo xaaladda ay Somaliland  maray so maanta ,waa mid wel wel iyo walaac ku haysa dhammaanteen, gaar aha an muwaadiniintii dalkan naf iyo maalbba u soo huray.Mujaahid Faysal Cali w araabe,waxaa uu ku sifoobay inuu yahay halyey aan la gabban dareenkiisa wadanimo iyo lexo jeclada uu u  hayo dalkiisa iyo dadkiisaba.Faysal waa haly ey  mudan bilad geesi , baal dahabana kaga qoran taariikhda qormaysa ee dalkeenna hooyo ee Somaliland.

Akhristaw ,haddaan hoos ugu dhaa dhaco dulucda qoraal kaygan , waxaan kaga hadli doonaa sida Mujaahid Faysal  uga biyo diiday sida Riyaale u  maa mulay arrimaha gudaha ee  dalka ka taagan iyo  weliba siyaasada arrimaha dibadda ee Somaliland.

Arrimaha Gudaha:

Mujaahid Faysal, wuxuu in badan saxaafadda Somaliland  kaga hadlay kuna bal balaadhiyey dhibta,hadimada,rajo xumada ay maanta shacbiga  Somalila nd kala kulmeen maamulka fadhiidka ah ee Riyaale iyo sida uu  maamulay  ha ntidii umadda iyo sida uu ugu duntay distoorkii dalka. Akhristaw bal u fiirso dhaawaca uu xukunka maantu gaadhsiiyey  dalkan iyo shacbiga Somaliland, ee Faysal mar walbba ka hadlo , kana digo cawaaqib xumda ay keenim kara an:

Tusaale ahaan:

1-Keli talisnimada Riyaale
2-Ku tumashada sharciga iyo distoorka
3-Adhigii la dhoofinayey
4-Kheyraadkii Badda
3-Macdantii dalka
5-Haamihii shidaalka
6-Dekedii Berbera
7-Hantidii umadda
8-Xaraashka dhismayaashii Qaranka
9-Cabudhinta saxaafadda
10-Ku tumashada Xuquuqda muwaadinka
11-Duminta dimuqraadiyadda curdinka ah
12-Boobka iyo tuugada lagu hayo hantidii umadda
13-Harraadk iyo biyo la'aanta la baday umadda
14-Burburka ka muuqda dariiqyada waddanka
15-Dhakhtar la'aanta umadda haysata
16-Shaqo la'aanta iyo rajo xumada dhalin yarada
17-Arrintii Ceel Bardaale

iyo arrimo badan oo aanan qoraal keliya ku soo koobi karin

Arrimaha Dibadda:

Mujaahid Faysal ,wuxuu in badan ka digay , kana hadlay in aan xukunka  Riy aale daacad ka ahayn horumarinta iyo adkeynta xidhiidhka dibadda ee Soma liland la leedahay dawladaha  caalamka.Weliba wuxuu aad uga digay in aanu Riyaale daacad ka ahayn aqoonsi u raadinta dalka, danna ka lahayn jiritaan ka Somaliland.

Sida aynu la wada soconno,mar walbba oo Riyaale dibadda ka soo  noqdo  w axa uu umadda  uu u dhaartay ku maaweeliyaa wufuud baa la inoo soo dira yaa iyo aqoonsigii baa halkan soo socda, taasina waxay  noqotay humaag beena oo uu ummaddan ku maaweeliyo.

Tusaale ahaan,safarkii ugu danbeeyey ee uu ku tagay dalka Kuwait,ayaa waxaa ka mid ahaa su'aalijii la weydiiyey:

Ma kala hadashay madaxdii aad la kulantay qadiyadda aqoonsi u raadinta Somaliland.

Riyaale wuxuu ku jawaabay "Aqoonsi kalama hadal oo waqti dheer  buu qaa danayaa, laakii waxaan  kala hadlay sidii dhaqaale laynoogu fidin lahaa."

Akhristaw,sidaan la wada soconno , Somaliland maanta halkaa uma fadhido in caawimo loo fidiyo,laakiin waxaynu ilaa May 18,1991, halgan dheer ugu jirnay inaynu caalamka ka mid noqonno,oon himladeenna ka midho dhalinno.

Taa waxaa xigtay , magac xumadii uu dalka iyo shacabka Somalilandba u so o jiiday,sidii Riyaale iyo xukuumadiisu u maamuleen shirkii lagu marti qaaday ee  Washington lagu qabtay,ee uu guddomayey Senator Donald Payne .

Halkaana waxaa ka soo baxday,inuu Riyaale rabo inuu go'doomiyo , curyaa miyana siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland  la leedahay caalamka.

Mujaahid Faysal arrintaa sidii uga biyo diiday waa tii aynu  ka wada  maqal ay wareysiyadii uu siiyey saxaafadda xorta ah , horena wuu uga digay ina anu xukuumadda maanta talada gacanta ku haysaa daacad ka ahayn aqoonsiga Somaliland.

Isku soo wada xooriyoo,Mujaahid Faysal waxaa lagu yaqaanna inuu yahay nin dalkiisa u damqanaya,cadawguna ku soo dhiirran  karin,waana  halyey mudan bilad geesi , baal  dahabana kaga qoran taariikhda  Somaliland.

 

 

Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birmingham,UK