Mujaahid
Ibraahin Dhaga Wayne oo Madaxwayne Siilaanyo ku Tilmaamay mid ku
Takri Falaya Awooda Sharciga, Xadhiga M asuuliyiinta Eedaha Musuq u
Xidhan ku Tilmaamay Xaaraan.
“Waxa ay ummadu leedahay way ka badantahay in Ciddi kaa saamaxdo,
illaa islaanta halkaa dawarsanaysaa wax ku leh”
Hargeisa (TNN)-Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) oo ka
mid ah Masuuliyiinta Urur Siy aasadeedka UDHIS kana Mid ahaa
Mujaahidiintii Taariikhda Dheer ku lahaa Ururkii SNM ayaa xukuuma
dda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku eedeeyay inay
sharci daro ku haysato m asuuliyiinta eedaymaha musuqmaasuq ku
xidhan, iyo Xadhiga Boqor Buur-madow Dhago-weyn waxa kale oo uu
tilmaamay in xukuumaddu ka war-wareegayso inay abbaarto cidii ka
dambeysay lunsiga ra ashinkii la dhacay isla-markaana maalinba
warqad cusub xukuumaddu u soo samaysanayso sii haynta saddexda
masuul ee musuqmaaqa u xidhan, isaga oo tilmaamay in xadhiga sharci
darada ah uu la mid yahay waxyaabihii laga dagaalamay.
Mujaahidka oo Maant ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel
Xaraf ee Magaaladda Hargeysa ayaa Daaha ka rogay Awoodaha Sharci
Darrada ah ee ay isticmaalayso Xukuumada, taasi oo uu tilm aamay in
aanay ka yeeli doono waxaanu yidhi “haddaan ka hadlo xaaladda
xamarji waxa cad inaanu xamarji eed lahayn ee cidii eeda lahayd laga
war wareegayo markab dhan ayaa la lunsaday maaha in qof layska xidho,
xadhigu waa waxaan ka dagaalanay qofka bini aadamka ahna lama haysan
karo 24s aac gudaheed ilaa wax lagu soo cadeeyo, mana jirayso in qof
la iska haysto, yeelina mayno qofna qof kale siduu doono kama yeelo,
Awood sheegashana masamayn karo (Abuse Power) kumana takri fali karo
awood qaran ma ogolaanayno xilka aad haysaana maaha mid aad cidlo ka
heshay, umadda kuu dhiibatay maaha inaad tidhaah maalinba nin madaxa
ah baan haysanayaa sida: Suldaan, Agaasime. Badhasaab Iwm,fadeexadii
ugu waynayd ayay dawladdu lugaha kula jirtaa loomana dulqaadanyo mas
uuliyadan lunsiga ahna dawladaa iska leh hana ku waalanina kolba qof
aan lug kula hayn in cidii danbi ga leh waa la garanayaaye hala
saaro”
Mujaahid Dhagawayne Mar la waydiiyay sababa keenay in Xukuumadu xusi
waydo Aasaaskii SNM wa xa uu yidhi“Adeer Dawladini snm Way ka
maarantay, dadkii Snm umaba Baahna, sidaa dayacaasi uga muuqdo kuwii
ku naafaabay ama kuwii ku dhintay ee aanay dan uga lahayn oo ay u
qaadatay uun Qa byaalada, uma muuqato dawaladii SNM iyo wadadii
snm,waa kuwaa mujaahidiintii iswada agfadhiya, miyay dadnaynayaan,
kuwii la dhintay ee soo saaray waxa uu ka doortay kuwo uu Suuqa uga
yeed hay”
Ibraahin Dhagawayne mar la waydiiyay in ay jiraan Ururro Xukuumadu
Taageersantahay oo ay garab siiso iyo siyaabaha ay urkaan urur ahaan
waxa uu sheegay in ay jiraan Ururro ay basas ku sito xuku umadu
kuwaasi oo uu sheegay in ay Go,aan ka soo saari doonaan urur
ahaan“Annaga ururadda Tarta maya ayaanu ka mid nahay, dhakhsona
shirwaynihii waanu u qabanaynaa, waxaan leeyahay Dawladu dhex kama
aha Ururadda Tartamaaya waxan uu gaboose la qaylinayaa waa dhab,
waydinkii arkaayay ururadii lagu sitay basaska ilaa iyo ceerigaabo
ilaa iyo borama, ururada ay iyadu hor cararayso ee ay samaysay way
cadahay, waxa weeyi waxaas oo dhan maanta kama gaadhayo go,aan ee
talo urur a yaanu ka soo saari doonaa” ayuu yidhi Mujaahid ibraahin
Dhagawayne
C/raxmaan Muuse Yusuf
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland
|