Mujaahid Xasan Ciise Oo Jeediyay Khudbado Xiiso iyo Xamaasad Huwan
 

Guddoomiyaha ururka SNM islamarkaana ahaa Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa shalay khudbad dheer ka jeediyay sannad guurada 24aad ee ka soo wareegtay 17 Oktobar, 1984 oo loo aqoonsaday maalinta shuhaadada SNM.

Md. Xasan Ciise Jaamac, waxa uu khudbadiisa kaga hadlay xaaladda dalku marayo, arrimaha diiwaangelinta, taariikhdii ururkii SNM iyo arrimo kale, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo ah maalintii shuhaadada SNM, waxa salaan gaar ah leh Mujaahidiintii SNM oo dhan, shuhadadii ILLAAHAY (SW) ha u naxariisto. SNM iyo Sooyaal taariikhdeedu baal dahab ah ayay ku qoran tahay oo raggii shahiiday ayaa ku qoray.”

Xasan Ciise, waxa uu soo hadal qaaday xukuumadda Somaliland oo aan wax masuuliyiin ah u soo dirin munaasibadaas, walloow markii ay xafladu dhammaatay ay yimaadeen laba masuul, waxaanu Mujaahid Xasan yidhi, “Qolyaha maanta xukuumada ah ee dalka ka taliya, waxaan is lahaa aad meesha ku soo gaadhid (beerta xoriyadda), waa maalintii ugu horaysay ee cid allaale cid ka joogta aanan ku arag fagaarahan iyadoo la isugu yimid, waa maalintii ugu horaysay ee cid xukuumada ka socota aanan ugu iman. Arrintaa maanta waan ugu sad-kordhiyay, sababta oo ah waji ay halkan oo kale ku yimaadaan kuma yaalo, Alaylehe waxaan u sii sad-kordhin lahaa haddii ay intaa ku daraan oo ay yidhaahdaan halkana iman kariwaynay oo waji aanu ku nimaadnaa naguma yaalo, doorashadana waji aanu ku galnaa naguma yaalo ee naga hooya, haddii ay intaa gartaan ayaan u sii sad-kordhin lahaa ee malaha intaasi ayaanay gaadhsiisnayn.”

Guddoomiyaha ururka SNM, oo ka hadlaya ururkii dalka xoreeyay ee SNM iyo dib u dhaca ku yimid waxa uu yidhi, “Walaalayaal xoogaaga dib-u-dhaca ah ee SNM ku yimid, qolooyin baa waxay yidhaahdaan waaryaa Xasan Ciise maxaa SNM ku dhacay, waxaan ku idhaahdaa SNM waxa ku dhacay waxa umaddaha Muslimka ah oo dhan ku dhacay, waxa qayrkeed ku dhacay ayaa SNM ku dhacay. SNM ILLAAHAY (SW) guushii wuu siiyay maalintii ay adkayd, laakiin xoogaa khilaaf ah ayaa soo dhex galay, khilaafkii ayaa halkaa dhigay, haddaba imtixaan buu ahaa adag oo la doonayay in wax lagu qaato. Dhabar-jebintii, Hangashtii iyo NSS-tii ay jebisay SNM, waxa soo celiyay khilaafkaa yar ee SNM soo galay, haddii aan wax lagu qaadan laga imtixaankaa laga gudbimaayo waa habeenkii xalay oo tagay ee wax ma ku qaadanay mise kumaynaan qaadan.

Maalintii aynu dalka soo galay ee ay SNM ka talinaysay ee aanu Burco shirka ku qabanay ee aanu ummaddii isa-saamaxsiinay, ee aanu nidhi toban sannadood bay ummaddani dagaal aan waxba la isula hadhin ay wada gashay, dagaalkii haddii ILLAAHAY (SW) inaga dhameeyay, SNM-na guushii raaciyay, walaalayaal anaga waa naga saamax dadku. Qolooyin gaalo ah oo London ka yimi oo Ingiriis ahaa, ayaa Hargaysa iigu yimi oo yidhi Xasanoow maalintaa aad Burco ku qabateen shirkaas, xagee baad ka keenteen ra’yigaa, wadankii baad qabateen, toban sannadood baad dagaal qadhaadh ku jirteen, dadkii ayaad u yeedheen, waanu idinsaamaxnay ayaad tidhaahdeen, ra’yi looga bartay Afrika, Carabta, Muslinka iyo mid adduunka meelaha ay jabhadaha dagaalada noocaasi ka dhacaan looga bartay muu ahayn bay yidhaahdeen ee xagee ayaad ka keenteen, dee caqli baanu leenahay oo anakaa keenay baan ku idhi. Waxaanu sidaa u samaynay wax ka wayn ayaanu doonaynay, in la kala aarsado taasi ta dhibta yar bay ahayd, waxaanu doonaynay dalkan iyo dadkani in ay aayo yeeshaan oo aanay weligood is haysan oo aanay cunaha iska laadlaadin ee ay hore u talaabsadaan oo aanay isku habsaamin sida Xamar iyo meelo kale oo badan ka dhacaysa maanta.

Maalintaynu Burco shirka ku qabanay ee dadka isa-saamaxsiinay Madaxwaynaheena maalintaas Laasacaanood buu sii marayay oo uu sii socday. Markaanu u yeedhnay Garaadadii reer Laascaanood ee aanu u yeedhnay Garaadadii Awdal ee aanu nidhi walaalayaal waa naga saamax ummaddu ee aynu isa-saamaxno ayuu soo noqday oo Burco noogu yimi, waa taariikh qoran oo aan laga murmi karin, kolkaasaa xigmadda ILLAAHAY (SW) waa cajiib marka aad u fiirsato, markaasuu ILLAAHAY (SWT) Madaxwayne inooga dhigay, gidigoodna waa caynkaa, isaga ayaa weliba ugu sokeeyay oo Laascaanood marayay qolyaha maanta wadanka ka talinaya. Allaylehe waxa u quruxbadnayd in uu ummaddan, SNM iyo Sooyaal abaalkooda gudo, laakiin may-yeelin, kamana doonaynoo ILLAAHAY (SW) baanu anagu ku leenahay abaalkayaga if iyo aakhiraba, haddii uu Madaxwayne sii ahaado toban sannadood oo dambe waanu ku ammaan gelinaynaa waanuna ku salaamaynaa, sababta oo ah wax ka wayn ayaanu doonaynaa oo dalka Somaliland ah, laakiin middaasi ma muuqato oo sansaankeedii baan ka muuqan meesha iyo ficilkeedii, taariikhdeedii iyo rikoodhkeedii baan ka muuqan. Maalintii ILLAAHAY (SW) qoro ee uu ka tagana, arrimahaas la soo sheegay iyo wax kale oo badan ayuun baa taariikhda gelaya.”

Mar uu ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka waxa uu yidhi, “Maalin dhexdaas ah ayaan Jaraa’id ka akhriyayey qolyahan Wasiiradda ee Dawladda oo guddi la saaray oo la yidhi Qasnaddii baa haawanaysa dawladda, guddiyoow ka soo taliya sidii dakhli cusubi dawladda qasnadeeda ugu soo dhici lahayd, oo maxaa ku dhacay qasnaddii dawladda siday u haawanaysaa?

Waxaan idhi haddii qasnaddii dawladdu ay haawanayso jeebadahooda ha la baadho meel kale hantidii ummaddu ma jirtee. Mee biriijkay ku sameeyeen haddii wax lagu qabtay, haddii meel kale ay tagtay, mee Warshadihii lagu dhisay, wadooyinka, cisbitaalada iyo wadooyinka lagu dhisay meeye? Ma jiraan, mar haddii aanay kuwaasina jirin dee kiishashka dhaadheer ee qasnadda la garab dhigay ha la soo saaro. Waa mid Subxaanala Madax ummadeed markay xaaraanta iyo xalaashu iskaga khaldamaan, waa imtixaan culus. Waxaynu ILLAAHAY (SW) ka baryaynaa in uu inaga gudbiyo, waanu inaga gudbin doonaa Inasha ALLAAH.”

Md. Xasan, waxa uu ku taliyay in fiiro gaar ah loo yeesho arrimaha doorashooyinka kal dambe dhici doona, waxaanu soo jeediyay in laga ilaaliyo inay la mid noqdaan doorashooyinka Afrika ka dhaca, waxaanu yidhi

“Walaalayaal Doorashooyinka soo socda haddii la isla gaadho ha laga ilaaliyo in ay noqdaan doorashooyinkii Kenya oo kale, ama doorashooyinkii Zimbabwe iyo Angola oo kale, oo Xisbiyadu kow ha ilaaliyaan, SNM iyo mujaahidiintuna gaadh arrintaa ha ka hayaan. Sababta oo ah, haddii ka kursiga ku fadhiyaa uu yidhaahdo ilawba ilaw waa in aan soo noqdaa, oo aan gar iyo gardaraba ku soo noqdaa, oo macnaheedu yahay waa in aan ku shubtaa oo aniga ayaa dawladdii maanta kursiga ku fadhiya, shaqaalahaygii baa shaqaalihii doorashooyinka la shaqaynaya, wasiiraddii, markaa waa in aan soo noqdaa oo aan la iga helin. Kii mucaaridka ahaa ee Xisbiyadii kalena yidhaahdo ilawba ilaw waa in aanu helnaa haddii kunna ku kufriyayo kunna ku muslimayo, halkaas maxaad u malaynaysaa markaa? Oo markaa la kala gar-qaadan maayo ay noqoto, markaa nabaddii yarad ee aynu majeeranaynay, qasnaddii waynu iskaba ilawnaye, dee wax ka daran baa markaa halkaa ka soo ifaya, markaa dalkan dadka lixejeclada ka leh ayay arrintii iyo taladdii la taalaa waxay ka yeelayaan.”

Xasan Ciise, oo ka hadlaya arrimaha diiwaangelinta waxa uu yidhi “Arrinta Diwaan-gelinta markaan ka hadlo, dadka reer Somaliland waxay u badan yihiin reer guuraa iyo reer miyi, marba meel bay degayaan, markaa doorashadii yay gelin miyaa? Marka la leeyahay qofkii is diwaan-geliya ayuun baa codaynaya. Waxaan odhan lahaa arrintan diwaan-gelintu mar haddii ay bilaabantay, oo shisheeyihihiina wax badan iyo lacago lagaga qaadanayo, aynu ku talo galno wakhtiga dheer, oo yaynaan iminka shuruud iskaga dhigin. Marka miyigaba laga yimaado, magaalada qolooyinka aan aqaano ee qayilaa iyagu haleeliba maayaan, gelinka horena 11-ka ayay soo kacayaan, saacad bay yara warwareegayaan, dabadeedna mijintii ayay u fadhiisanayaan, mana ogola in cidi ka qashqashto, kaasi is diwaan gelinmaayo waanay badan yihiin. Dadkeenu waa isku wada magac, intaas oo qof ayaa isku saddex magac ah, adduunyada kale marka qofka la diwaangelinayo waxa lagu kala saaraa ciwaan buu leeyahay, inagana kii magaalada joogay ayaan ciwaan lahayn, dadkii isku magaca ahaa ma reer hebel ayaa lagu qorayaa, maxaa loo raacinayaa oo lagu kala saarayaa. Wakhtiga dheer haa, ha la gaadho, laakiin iminka wakhtigani wax macquul ah maaha diwaangelintu, in shuruud lagaga dhigo foodka caqli maaha, lacagta shisheeyaha ha lagaga gurto laakiin ummadda yaan lagu jebin.”

Markii ay xafladii sii xidhmaysay ayaa waxa madashii xafladda yimid laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxaanu Xasan labadaas masuul ku yidhi, “Iminkaan arkayay qolooyin dawladda ka socda oo soo galay, malaa waxay is yidhaahdeen hadalku markuu dhamaado ee meesha lagu kala tago aad tagteen oo ha la idin yidhaahdo way dhamaatay ee fasax baad tihiin, idinkuna hadhaw kii soo diray aad ku tidhaahdaan meeshii waanu tagnay, waar iminkaba fasax baad tihiine Salaamu-calaykum.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, Maxamed Kaahin Axmed oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, guddoomiyaha KULMIYE ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) iyo masuuliyiin kale.

 

 



Source:Wargeyska Geeska Afrika