|
Munaasabad
ilyartu is qabatay oo lagu wacyiga
galinayay dadwayaha Gobolka Gabiley

Munasaab balaadhan oo ay soo
qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka gabiley oo lagu wacyi galinayay
dadwaynaha Gobolka Gabiley ayaa saaka lagu qabtay Fagaaraha
Khayriyada Gabiley,
waxaana ka soo qayb Badhasaabka Gobolka Gabiley Mudane Axmed Maxamed
Aw cabdi (Xabiib), Maayarka Degmadda Aadan Muxumed Badde,
Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Ka soo baxay Gobolka
Gabiley,Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Sh.Maxamuud
Yuusuf X.Cabdi,Gudida Diiwaan galinta Gabiley, Xildhibaanada Golaha
Deegaanka, Cuqaasha, Culimaa,udiinka, Caruurta, Dhalinyaradda,
Haweenka iyo Dadwayne aad u fara badan.
Ugu horayn waxaa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha
Gobolka Gabiley Mudane Maxamed Axmed aw cabdi (xabiib) waxaanu
salaan diiran iyo hanbalyoba ku soo dhaweeyay dadwayihii iyo
xildhibaanadii, cuqaashii iyo salaadiintii ka soo qayb gashay
xafladaasi,waxaana ka mid ahaa hadalkiisa (waxan dhawaan safar ugu
maqnaa wadamo ka mid ah qaarada yurub waxaan dadkii aan halkaa kula
kulmay ugu faanayay, Gobolkaygu waa Gobolka ugu dadka badan leh, Ugu
xoolaha badan leh,ugu beeraha badan leh mantana maan filayn inay
dadka intan oo kaliya ah isu soo baxdo ee waxaan filayay inay dadka
reer Gabiley meel ay kala joogsadaan la waayo oo aynu muujino
kontonkii sanadood ee aynu Gobolnimada Raadinaynay, anigu waxaan
caqliyaystay aabayaasheen iyaga oo Gobol raadinaya Maanta markaa
waxay ahayd inaynu noqono Gobolka koowaad ama ka labaad, markaa
waxaan dadwayaha leenahay diiwaan galintu maaha arin xisbi gaar ah
dan u ah waa arin Somaliland oo dhan dan u ah, waxaanu wacyi galinta
ka bilawnay arabsiyo saakana waxaanu Soo marnay dugsigii Sare ee
timacadde waxaanay ardaydii aanu halkaa kala kulanay balan qaadeen
inay ka qayb qaadanayaan diiwaan galinta ,
Badhasaabku waxaa kale oo uu sheegay inay cuqaasha iyo salaadiintu
aad udadaalayaan oo ay dadkii ay masuulka ka ahaayeen hadh iyo
habeenba wacyi galinta la dul taaganyihiin, barri
oo kale waxaanu tagaynaa kala-baydh ilaa wajaale waxaanu ubaahanahay
Salaadiinta, Xildhibaanada, Wasiirada manta naga maqan,iyo cid kasta
oo wadniyada garanaysa oo wax nala qabanaysa ayaanu ubaahanahay,
waxaan iyagana leeyahay Ganacsatada oo aad moodo inay ka gaabiyeen
doorkoodii iyagana fadhiga ka kaca oo ka qayb qaata hawlaha qaranka
oo dan u ah dalkeena iyo dadkeenaba.
Badhasaabku mar uu ka hadlayay arinta Diiwaan galinta waxaa uu yidhi
( Komishanka waxaan ka codsanaynaa inay noo kordhiyaan Sanduuqyada
si, ay dadkayagu dhamaan uga wada qayb qaataan, gobolku waa Gobol
aad ubalaadhan waxaa kale oo aan uga digaynaa dadka ajaanibka inay
ka digtoonaadaan inay isku dayaan diiwaan galinta waxaanu ku
wargalinaynaa Ciidamada amaanku inay xabsiga utaxaabaan qofkii lagu
qabto isaga oo ajnabi ufududaynaya arintaasi, mid kale ayaan
dadwaynaha ka jaahil saarayaa waxaa suuqyada lasoo galiyay qofka is
diiwaan galiya faro ayaa laga dhigayaa markaa hadii uu tahriibo waa
la qabanayaa, waxaan idiin sheegayaa anigu yurub ayaan ku noolaa
Todobadii sanee ugu danbaysay markaa waxaan idiin sheegayaa inaanay
waxba ka jirin arintaasi waxaasi waa borobogaando waxaa sameeyay dad
ka xun jiritaanka Somaliland meesha aad doonto ayaad iska dhiibi
kartaa iskumana xidhna arinteena iyo taasi markaa dadka waxaanu ka
codsanaynaa inay muujiyaan tiradda Gobolka ee saxda ah).
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka degmada Gabiley Mudane
Aadan Muxumed Badde
waxaanu mahad naq balaadhan usoo jeediyay dadwaynihii ka soo qayb
galay xafladaasi, waaxaana sheegay inay manta tahay maalintii labaad
ee ay dadwaynaha kala hadleen faagaaraha khayriyada, arabsiya ayaa
kow ahayd maantana Gabiley ayaa ku xigta sidaas ayaana loo wada
gaadhsiinayaa Gobolka oo dhan isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa
uu yidhi (maalintii arabsiyo aanu ka hadlaynay waxaan sheegay inay
xildhibaanadu inaga maqanyihiin maantana waxaan tabayaa Wasiiradii
ka soo jeeday Gobolka waxaana muhiima in dadka laga dhaadhiciyo
jaaniskan aynu manta u helnay diiwan galinta, waxaa kale oo aan
leeyahay Maanta goobuhu way inagu yar yihii waxaa la yidhi (70)
todobaatan goobood ayaad leedihiin inaguma filna waanan ka hawl
galaynaa waxaanu ubaahanahay 140 goobood si, aan qofna gaadhi loogu
soo qaadin waxaan leeyahay komishinka hadii lanagu qiimeeyay degmo,
tiro gobolba ha noo eeginee tiradda dadka noo eega oo meesha aanu
idin tusno ee dad joogo noo geeya sanaaduuqda)
waxaa kale oo uu sheegay Maayarku inay dumarku ku fiicanyihiin
Codbixinta laakiin ay raguna ku liitaan qayil iyo wax kale ayay ku
mashquulaan markaa waxaan idin leeyahay ka faa,iidaysta jaaniskan,
waxaa kale oo uu sheegay inaynu ka digtoonaano dadka ajaanibka ee
beereheena ka shaqeeya ee aan muwaadinka ahayn yaan la is odhon
tirada ha inoo buuxiyaan ee halaga digtoonaado, qofka isku dayo inuu
qariyo oo waraaq siiyo talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi
doonaa,
Waxaa kale oo uu sheegay Maayarku inay Goboladu tartamayaan laakiin
aanay Reer Gabiley la tartamayn goboladda Cusub waxaanu yidhi(
waxaanu la tartamaynaa Goboladii hore, golaha baarlamaanka waxaa
lagu qaybsan doonaa Tirada dadka tusale ahaan manta xildhibaankeenu
waxaa uu ku fadhiyaa 7000 cod iyo in kabadan qaarbaa manta ku
fadhiya 700 oo gobolnimo wax ku qaatay, markaa tii xaqa ahayd ee aan
ku dagaalamaynay manta ayuunbaynu gaadhaynaa markaa manta ninkii ka
hadha ayaa dadka inaga reebay,ma dacwoon doono, maxkamad ma tagi
karo, waxaa iman doonta waar kaar ma haystee hebeloow iraac oo
idhaafi adigaa udhashay wadankee markaa walaalayaal waa maalin
qaaliya ee aan ka faa,iidaysano) kaasi waxa uu ahaa Maayarka Gabiley
oo kala hadlayay Fagaaraha khayriyada dadwaynaha reer Gabiley.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee
ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo kala ahaa Xildhibaan Xasan Cawaale
Caynaan, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe iyo Xildhibaan Cali Gabiley,
waxaanay halkaasi hadalo duur xul ah oo ku saabsan wacyigalinta
Diiwaangalinta ay uga soo jeediyeen Dadwaynihii soo doortay waxaanay
sifaahfaasan ugu soo bandhigeen dadwayaha kaalinta ay ku leeyihiin
diiwaan galinta iyo sida looga hawl galayo arintaasi waxaanay ku
dhiiri galiyeen dadwayaha in manta lagu tartamayo tiradda dadka
sidaa awgeed ay muhiim tahay in qofka kasta oo muwaadin ah oo ka soo
jeeda Gobolku aanu lumin fursadan qaaliga ah,
Xafladaasi manta lagu wacyi galinayay dadwayaha reer gabiley oo aan
loo kala hadhin waxaa iyaguna hadalo guubaabo, waano iyo wacyi galin
isugu jira oo ku saabsan diiwaan galinta uga soo jeediyay
halkaasi,Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gabiley Maxamuud Yuusuf
X.Cabdi,
Chief Caaqil Cabdi Ciidle, Caaqil C/laahi qalinle, caaqil Cismaan
Caynaan, Daa,uud Khayre kaahin, iyo Xasan Filfil oo ka mid ah
odayaasha Gobolka,
Maamulka Gobolka Gabiley Waxay bilaabeen hawl qaran oo ay ku wacyi
galinayaan dadwayahu inay fahmaan diiwaan galinta, waxaanay soo
mareen arabsiyo, waxay ku xigsiiyeen gabiley oo ay saakana ardayda
dugsiga sare ee timacade kala hadleen Fagaaraha Dugsiga Sare, iyaga
oo Ku xigsiiyay Khayriyada Gabiley oo ay manta si balaadhan uga
wacyi galiyeen dadwaynaha waxaanay sii wadi doonaan hawshaasi wacyi
galinta oo ay barri mari doonaan kala baydh, wajaale ilaa iyo
allaybaday laga gaadhayo.
Mustafe Abdikariin Ali
Mustafe Future
Gabiley News Desk
mccfuture@gabiley.net
gabileynews@hotmail.com








|