Munaasibad balaadhan oo lagu Xusaayey Xuska Maalinta Sha qaalaha Sonyo Oo Xalay Hargeysa Ka Qabsoontey


Hargeysa (TNN)-Xaflad baladhaan oolagu xusaayey Maalinta Shaqaalaha Sonyo Oo Kubeegnayd 21/1/2011 Ayaa Xalay Lagu Qabtey Hotel Xaraf Ee Magaalada Hargeysa.Munaasibadan oo aheyd mid si aad u Sareysa losoo abaabuleya ayaa waxaa kasooqayb galley Gudoomiyaha Hayada  La,d agaalanka Musuqmaasuqa Ee Somaliland Md.Axmed Muxumed Madar ookamid ah SaxiibadaSONYO ,Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,Agaasimaha SONSAF Md Maxamed Axmed Maxamuud {Barwaani}Gudoomiyaha Ururka SOCSA Marwo Khadra  Kaliil.Aga asimayaasha Wasaaradaha Shaqada Iyo Arimaha Bulshada IyoDhallinyarada Dhaqanka Iyo Ciyaa raha Somaliland Md Baashe Yuusuf Axmed Iyo Mustafe Maxamuud Qodax,Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Ee W/dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Sayid Cumar .Gudoomiyaha Xilka Sii Haya Ee Dallada Sonyo Md.Yaxye Maxamuud Ubaxle,Agaasimaha Dallada Sonyo Md.Siciid Maxamed Axmed,Xubnaha Cusub iyo Xunaha Golaha Sare Xilka Kasii Dagaaya Ee Dallada Iyo Xubnaha Golaha Sare Ee Cusub Ee Dallada Sonyo ,Dhamaan Shaqaalaha Weynaha Dallada Sonyo Iyo Qaarkamid ah Urrurada Ku Bahoobey Gaboodka Urrurada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO.

Ugu Horey Agaasimaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Md Siciid Maxamed Axmed Oo Munasibadaasi kahadley ayaa sheegey in Gudoomiyaha Cusub Ee Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Md Axmed Cabdi Wacays uu Hambalyo udiraayo Dhamaan Dhallinyarada Somaliland Iyo Shaqaalaha Dallada Sonyo Munaasibadan Awgeed,isagoo Gudoomiye Axmed Wacays Aanu  masib adani inagala soo qayb gellin Hawlo Uu Kumaqnaa Awgeed.

Agaasimaha Dallada SONYO Md.Siciid Maxamed Axmed Waxaa Uu Umahad Naqey Dhamaan Kasoo qayb galayaasha Munaasibadani Xuska Maalinta Shaqaalaha Sonyo Ee 21Janawery.

Agaasime Siciid Oo hadalkiisa siiwataa waxaa uu yidhi{Waxaan Dhamaan Dhallinyarada Somaliland oo Ay SONYO ka Kawtahey Kula dardaarmayaa ineynu Kasbano Aqoon Ka Turjumeysa Waxaynu Nahey,kuna Dadaalno Kaalinta Toosan Ee Laynaga Filaayo ,Kana Baydhno Wax Hore Oo Dadkii  Ina ga Horeeyey Ay Kusoo Khaldameen.

Agaasimaha Dallada Sonyo Md Siciid Maxamed Axmed Waxaa Uu IntaasiKudarey{Dhallinyarada  Ka shaqeysa Hayadaha Caalamiga ah Waxaan Leeyahey Dalka waxaa kadhalatey Dawlad Cusub  Wax ayna Inoo Sheegeen In Sameyneyso Qorshe Horumarineed Oo Ay Ubixisey National Development Plane,Wasaaarada Dhallinyarada Dhaqanka Iyo Ciyaaraha Somaliland Waxay Samaysey Qorshihii 5 sanno Ee Soosocda Dhallinyarada Somaliland Lagu Hagaayey.Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Waxay Hadda Kujirtaa Diyaarinta Qorshaha 3 Sanno Ee Soosocda Ay Ku Hawl Gelli Laheyd Oo waafaq sanaanaaya Labadaa Qorshe Ee Aynu Soo Xusney,Dhamaan Hayadahana Waxaan kula dardaarmi Lahaa Uma Baahnin Wax La Qorsheeyo Ee Waxaynu Ubaahanahey Wax La Qabto.

Waxaa Uu Agaasimaha Dallada SONYO Md Siciid Maxamed Axmed Uu Gabagabadii Umahad Naqey Aasaasayaashii SONYO,Saaxiibada SONYO ,Urrurada Xubnaha Ka Ah SONYO,Xubnaha Golaha Sare Ee Cusub ,Shaqaalaha Weynaha SONYO,Bahweynta Saxaafada Somaliland Ee Ay Wada Shaqeynta Leeyihiin,Xubnihii Golaha sare Ee SONYO Ee Xilka Dhamaadey Waxaanan Qirsanahey Waxqabadkooda Xubnaha Xusubna Waxaan Kuladardaarmayaa iney Hawsha halkaasi kasiiwadaan.



Agaasimaha Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Md Baashe Yuusuf Axmed  ,G udoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA,Marwo Faadumo Siciid Ibraahim,Md Axmed Muxumed Madar, Agaasimaha SONSAF Md Maxamed Axmed Maxamuud {Barwaani}Gudoomiyaha ururka  Marwo Khadra Kaliil, Gudoomiyaha Xilka Sii Haya Ee Dallada SONYO.Md Yaxye Maxamudu Ubaxle Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhallinyarada, Dhaqanka Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Mustafe Maxamuud Qodax oo Munaasibadaasi Kahadley Ayaa Dhamaantood Ugu Horey Hambalyo udarey Dhallinyarada Somaliland Gaar ahaan Dallada Sonyo iyo Shaqaalaheeda Xuska Maalinta Shaqaalaha Sonyo Awgeed.


Waxaayna Masuuliyiintani ugu Mahad Naqeen Agaasimaha Dallada Sonyo Iyo Dhamaan Shaqaalaha IyoXubnaha Golaha Sare Ee Sonyo Dadaalka badan Ee Ay Geliyeen Horumarinta Ciyaaraha Somaliland.

Xuskani Oo Ahaa Mid Aad uxiiso badan Waxaa Kooxda Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Ururka SOCSA Oo kamid Ah ururada Ku Bahoobey Dallada SONYO Ay Madasha Kusoo Bandhigeen Heeso Kalla Duwan oo ay kamid Tahey Heesta calanka Somaliland,Heeso Kahadlaayey Somaliland Iyo Majaajilo Aad Aad Uxiiso badan.Waxaan Dhamaan Shaqaalaha Weynaha Dallada SONYO Iyo Asxaabta SONYOba Xalay uheyd Habeen Xusuus Gaar Ah Leh.

Xuskani Ayaa Ah Kii labaad Ee Laqabto Tani Wakhtigii si rasmi ah LooGu Dhawaaqey Asaaska  Dalla da Sonyo Sanadkii 2003 waxaana Xuskii kan kahoreeyey uu qabsoomey 21/01/2010.



Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland