Munaasibad
lagaga hadlayay laguna soo bandhigay tamarta dib loo cusboonaysiiyo
ee Solar Energy ayaa shalay lagu qabtay saylada xoolaha ee magaalada
Hargiesa.
Hargeysa (TNN)-Waxa munaasibadan
soo agaasimay Ha’yadaha HAVOYOCO iyo ADRA isla markaa si waxa
mashruucan maal galiyay EU (European Union). Waxa goobtaasi lagu soo
bandhigay qala bka solar-ta ee ku shaqeeya tamarta cadceeda waxan
dheeraa ciyaaraha Circus Show ee isugu jira qalaama rogodka,
jugglinka iyo ciyaaraha fudud oo ay soo diyaarsheen Circus
Somaliland HAVO YOCO.
Ugu horayntii waxa xaflada furay agaasimaha fulinta ee HAVOYOCO Mr.
Ismaaciil Maxamed (Dhool ayare) oo halkaasi mahadnaq balaadhan ugu
jeediyay dadweynihii tirada badnaa ee kasoo qayb galay munaasibadan
lagaga hadlayay sidii looga faa’idaysan lahaa tamarta cadceeda isla
markaasi na loo dhawri lahaa deegaanka iyo dhirta. Waxa sidoo kale
isaguna ka hadlay munaasibad mid ka mida mas’uuliyiintii kasocotay
Hay’ada ADRA Mr. Maxamed Xaamud oo ka hadlay sida ay ADRA ug a
go’antahay in Somaliland laga hirgaliyo tamarta dib loo
cusboonaysiiyo, sheegayna sida caalam ku imika ugu faa’idaystay
tamarta cadceeda.
Dhalinyarada Circus Somaliland waxay halkaasi kusoo bandhigeen drama
show aad u xiiso badnaa oo dadka lagu tusayay dhibaatooyinka iyo
xaalufka haysta deegaanka iyo sida looga hortagi karo iyadoo la
isticmaalayo tamarta cadceeda. Waxa lagu soo bandhigay tusaale sida
cadeecda looga dhalinkaro dab habeenkii wax lagu akhristo ama looga
faa’idaysto siyaabo kale.
Waxa munaasibadan kasoo qayb galay inkadaban dadkabadan 800 qof.
Timacade News
|