Munaasibad lagu xusayay Sanad guuradii 24aad ee kasoo wareegt     ay gooni isku taaga Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga

 


 

Turkey (TNN) -Madasha xafladan oo ahayd mid si heer sare ah la iskugu soo dubo riday ayaa waxa kasoo qa yb galay Jaaliyada iyo Ardayda Somaliland ee wadankaas ku dhaqan, Ururka midawga ardayda qaarada Afr ica iyo xubno ka socday Jaaliyadaha dalalka Jaarka sida: Somalia iyo Jabuuti.

Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Ardayda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga, ah na Gudoomiyaha gudida qaban qaabada Xuska 18-ka MAY, Abdicasiis sh. mohamed , isagoo Hambalyo u dira y Dhamaan shacbi weynaha Somaliland Meel kasta oo ay ku suganyihiin Ilaahayna uga baryay inuu u siyaadi yo nabada iyo xasiloonida.

Waxa isna sidoo kale madasha kU hadlay Afka jaaliyada iyo afka waalidnimo Md: Abdilahi mohamed Suleman ( abdilahi warabe ) oo si weyn ugu mahadnaqay jaaliyadu sida wadaniyada leh ee ay uga qayb qaateen xuska 18 May.



Munaasibada Xuska 18 May ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayd abid ee ka qabsoonta wadanka Turkiga, wa xaana intii ay xafladaasi socotay madasha lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan sida : Ciyaarta Sayliciga , Hirwada, Dhaantada I.W.M Kuwaasoo idil ahaantoodba soo jiitay Indhaha kasoo qayb galayaasha.

Gabagabadii munaasibadan waxa soo afmeertay Marwo Farduus Cige oo ah Jaaliyada ku dhaqan UK kana soc otay Xisbiga UCID ahna afhayenka xisbiga ucid Iyada oo si qoto dheer uga warantay Halgankii dheeraa ee S omaliland loo soo maray iyo sida ay ku timid maalintani, waxaanay xustay inay halkaa kasii wadi doonaan ded aalka ilaa inta ay ka helayaan Ictiraaf buuxa Bulshada Caalamka.

ugu danbayntii xaflada waxaa abaalmarimo qiimo badan lagu gudoonsiiyay Dadkii sanadkaa ugu saamaynta badnaa ugu waxqabadka badnaa haday tahay qaban qaabada iyo qabsoomida xuska 18 may iyo waxqabnad kii sanadkaas oo dhan .



gabagabdii Xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawi qurux badan oo farxadi ku dheehantahay iyadoo dhamaan kasoo qayb galaasha xafladu midba midka kale ugu hamlayaynayay maalintan qaaligaa.

 


Abdifatah Hassan Yusuf


Xogaha Guud Ardayda Somaliland Ee Dalka Turkiga
email: Abdifatahfr@gmail.com
ssat.org.tr@gmail.com
Mobil : + 90 507 198 7955