Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda Ganacsiga ee Dawlada Jarmalka

 


Berlin (TNN) :- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftigii uu hoggaaminaayey eesocdaalka ku maraayey qaaradda Yurub oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Jarmalka, ay aa kulan la qaatay madaxda hay’adda ganacsiga ee dawladda Jarmalka iyo weli ba sida oo k ale madaxweynaha jaamacadda caanka ah ee SHR University

Kulankan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah e e WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, la taliyaha arrimaha dibadda ee Murashaxa Madaxweynah a WADDANI iyo weli ba sida oo kale uqaabilsanaha xisbiga WADDANI ee qaaradda Yurub.

Kulankan oo socday muddo saacado isla mar ahaantaana ay warfidiyeenku dibadda ka jooge en, ayaa waxa ay ka wada-hadleen siddii ay hay’adda ganacsiga ee dalka Jarmalka iyo gana csatada Somaliland ay iskugu xidhmi lahaayeen iyada oo sida oo kale na lagu falan-qeeyey siddii jaamacadda SHR University ay iyadu na qeyb uga noqon lahayd siddii ay wixii karaank eeda ah uga geysan lahayd in ay wax tarto jaamacadaha dalka isla mar ahaantaana ay iya gu na isku xidhmaan.


Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa waxa uu ka xog-waramay xaaladda Somaliland isaga oo iftiimiyey in ay So maliland tahay dal nabdoon oo suurto-gal ay tahay in laga hir-geliyo ganacsiyo waaweyn ku waasi oo wax badan ka tari kara shaqo la’aanta ka jirta Somaliland, waxa kale oo uu iftiim iyey wadamada caalamku na ay ku soo dhiiradaan siddii ay Somaliland u maal-gashan lahaa yeen.