Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay M a rxuum Abwaan/Macalin
Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) Halyey Ka Baxay Bahweynta
Suugaanleyda Af-Ka Soomaaliga Iyo Umadda Reer Somaliland-ba
“Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii
calanka u siday hal-abuurka
Hargeysa (TNN):-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali
Xuseen ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, eheladii,
qaraabadii, Suugaanleydii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee
uu ka baxay Alle ha u naxariiste Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali
Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada
Hargeysa,Kadib markii isla maanta geeriyooday.
Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal uu soo saarey,
waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:
“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Xisbiga, iyo ka taageerayaasha
Xisbiga UCID ee ku kala nool dunidda dacaladooda, waxaan halkan
tacsi uga dirayaa Alle ha u naxariiste Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali-Banfas)
oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa. Alle ha u naxariiste
Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii
calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu
kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen
dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka
qadhaadh tahay.
Waxa uu ahaa Marxuumku Nin wanaagsan oo dadka jecel oo Suugaantiisa
aad looga wada-yaqaano dhulka Soomaalidu degto,waxa uu ahaa Macalin,
isla markaana waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isaga oo kaalin
miisaan leh ka soo qaatey halgankii dib u xoreynta dalka, halkan
kuma soo koobi kareyno taariikhda Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan
Aadan (Cali Banfas).
Marxuum Cali-Banfas waxa uu ahaa halyey ka tagay taariikh lagu
xasuusan doono, waxaanu muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan-jiiff ku
ahaa Magaalada Hargeysa.
Waxaan si gaara u tacsiyadeynayaa qoyskii,eheladii,
qaraabadii,Bahweynta Suugaan-leyda Af-ka Soomaaliga ku hadasha iyo
guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u
naxariiste Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer
qaran ah loogu aasay Xabaalaha Magaalada Hargeysa, kadib markii uu
isla maanta geeriyooday.
Geeridu waa xaq oo naf-kasta way dha-dhamin doonta geerida oo waa la
wada dhimanayaa, Waxaanan Marxuumka ILAAHAY uga baryayaa inuu
naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo guud ahaan umadda reer
Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo”.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|