WAR-SAXAAFADEED

 


Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jaga da Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu galinkii dambe ee maanta kul an la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cerv one D'Urso oo isaga wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaadeen dalka, sidoo kalena hore ula kulmay Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ururka Midowga Yurub ee caasimadda Hargeysa, waxa Guddoo miyaha KULMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub yeesheen wadahadal ay ku falanqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; xidhiidhka mucaawimo iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Somalila nd iyo Ururka EU-da, doorashooyinka Somaliland iyo xaaladaha xilligan ka jira mandaqada Gees ka Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadceliyey dalalka reer Yurub taageerada dha qaale iyo qaadhaanka nidaamka dimuqraadiyadda ee ay siiyaan Somaliland, taas oo uu ka cod saday inay sii wadaan. Sidoo kale, waxa Guddoomiyuhu uga mahadnaqay safiirka oo hadda ka tagaya xilka sidii uu ula shaqeeyey Somaliland muddadii uu hayey shaqan.

Waxa kaloo uu xog-warran ka siiyey safiirka xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan halka ay marayso diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo u diyaargarowga doorashooyinka u qorshays an dabayaqaada bisha March 2017. Waxaannu Guddoomiyuhu caddeeyey in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ay ka go’antahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda oo aanay maalina dhaafin, isla markaana dhammaan waajibaadkii kaga beegnaa diyaarintooda ay dham maystireen, si gaar ahna doorashada Madaxtooyadu mar walba xukuumadda iyo xisbigeeda diyaar ka tahay.

Haseyeeshee, doorashada Golaha Wakiillada ay hortaalo qabyo ka jirta xeerkii lagu dooran la haa mudanayaasha aqalkaasi oo aan diyaar ahayn, taasina culayskeeda leedahay, balse had da la wado dedaal axsaabta Qaranku hormood u yihiin si loo suurtogeliyo in doorashada wakii lladu ku qabsoonto waqtigeeda.

Waxa kaloo labada dhinac isla soo qaadeen xaaladdaha xilligan ee mandaqada, gaar ahaan Ge eska Afrika iyo kuwa caalamiga ah sida nabadgalyada, siyaasadda iyo kaalinta Somaliland kag a jirto ka wadashaqaynta ilaalinta maslaxadaha dunida iyo gobolkaba iyo ka hortagista waxy aabaha dhibaatada ku noqon kara ammaanka.

Dhinaca kale, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervo ne D'Urso waxa uu soo dhaweeyey mowqifka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa ee qabsoomi dda doorashooyinka.

Waxa kaloo uu ballanqaaday in aanay waxba iska beddelayn mucaawimooyinka Midowga Yur ub siiyo Somaliland, isla markaana ay sii socon doonto taageerada ay kaga qaybqaataan arri maha doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa ku wehelinayey kulanka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, halka safiirkana ay la socotay kaaliyihiisa gaarka ah Eva Atanassova.



ALLAA MAHAD LEH.

 



Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

_________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyemanager@gmail.com