Guddoomiyaha Kulmiye Oo xafiiskiisa ku qaabilay Haween ayda Reer
Somaliland Ee Ganacsiga Ballaadhan ku Leh Bariga Afrika
Hargeysa (TNN) :-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrasha xa
jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa
xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda asal ahaan u dhalatay Somaliland
ee haysata dhalashada dalka Uganda, isla markaana ganacsiga
ballaadhan ku leh bariga Afrika Marwo Aamina Xirsi Mooge oo booqa sho
ku timi caasimadda Somaliland ee Hargeysa Jimcihii.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si diirran iyo dareen farxadeed ku
soo dhaweeyey Marw o Aamina Xirsi Mooge oo iyada xubno wehelinayey
booqasho ugu tageen xafiiska xisbiga KULMIYE galabta, waxaanna
halkaasi ku dhexmaray kulan is xog-waraysi xaaladdaha dalk a iyo
booqashadeeda la xidhiidha.
Kulankaasi waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Marwo Aamina ku wehelinayey
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed
Cabdi-dheere, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer
Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-ku-xigeenka
Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Marwo Shukri Xariir
Ismaaciil iyo xubno kale, iyadoo sidoo kalena si ballaadhan ay u
qaabileen garabka haweenka KULMIYE oo iyaguna ku soo dhaweeyey
hoolka shirarka ee xisbiga oo waqtigaasi uu uga socday sh ir ay
lahaayeen.
Guddoomiye-ku-xigeeka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo
markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in
Guddoomiyaha iyo Marwo Aamina si fiican uga wadahadleen danaha
Somaliland.
Md. Axmed Cabdi-dheere oo faahfaahinaya kulankaasi iyo natiijadiisa
waxa uu yidhi, "Gud doomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu
si farxad leh u soo dhaweeyey hawe enayda reer Somaliland ee
ganacsiga ku leh dalka Uganda Marwo Aamina Xirsi, waxaannu uga
mahadceliyey oo ku soo dhaweeyey safarka ay ku timi dalkeeda hooyo
ee Somalilan d, sidoo kalena waxa uu uga mahadnaqay booqashada ay ugu
timi xafiiskiisa KULMIYE.”
"Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE u sheegay Marwo Aamina inay xisbi
ahaan iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku faraxsan yihiin
ganacsigeeda iyo heerka wanaagsan ee ay ka gaadhay oo ah buu yidhi
ah mid magac iyo maamuusba u soo jiidaya sumcadda iyo kar tida
ummadda reer Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka labaad,
waxaan nu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, "Dhankeeda,
Marwo Aamina waxay si farxad leh uga mahadcelisay qaabilaadda iyo
soodhawaynta ay kala kulantay xisbiga KULMIYE iyo gu ud ahaan dalka
Somaliland, iyadoo si gaar ah u xustay inay sharaf iyo qiimo wayn u
tahay inay la kulanto Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi.”
"Waxa kaloo Marwo Aamina tidhi ‘Somaliland aad baan uga helay si
fiican baa la iigu soo dhaweeyey, waxaannan hubaa in aan ku soo
noqonayo oo aan ka mid noqonayo dadka maalgashanaya Somaliland,”
ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Axmed Cabdi-dheere.
Sidoo kale, waxa Marwo Aamina Xirsi Mooge si wayn u qaabilay
haweenka xisbiga KULMIY E oo la wadaagay farxadda ay ku dhex
naaloonayso dalkeeda hooyo ee ay booqashada ku timi.
|