TACSI
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE,
ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga
oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga,
laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageer ayaasha xisbiga
KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada,
ehel ada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u
naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku
geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taari ikhdu tahay
25/10/2016.
Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa uu ahaa
aqoonyahan kaalin wayn kaga jiray dalka, kana soo qaybqaatay
dadaalladii horumarinta waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo
qabtay dawladihii soo maray dalka oo uu u dambeeyey Safiirkii
Somaliland u fadhiyey Itoobiya sannado ka hor.
Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu
jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana
uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
|