T A C S I 

 

 
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashax a madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Ful inta, Golaha Dhexe, garabyada qaybaha bulshada ee xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoys ka, qaraabada, bahda fanka, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdillaahi Mire Dacar (loo yaqaanay Shay Mire) oo ahaa fannaan caan ah oo ku geeriy ooday magaalada Hargeysa galabta 17/07/2016.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Shay Mire Dacar inuu ahaa hal-abuur ku xeel-dheeraa qaybo ka mid ah waaxyaha fanka Soomaalida sida heesaaga (fannaanima da), tumista Kamanka, samaynta laxanka iyo midhaha, isla markaana uu kaalin wayn oo mug leh ka soo qaatay hanno-qaadkii fanka dadka Soomaalida, gaar ahaan reer Somalil and oo uu muddo dheer ku soo jiray.


Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo bahda fanka ee uu katirsanaa uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE