Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo dhambaal Tacsi ah u diray Geerida Wasiir-ku-xigeenkii Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland 

 


Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, golayaasha qaranka iyo shac abka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Axmed Jaamac oo ahaa wasiir-ku-xig eenkii wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland oo xanuun ku soo bo oddo ah habeenkii xalay ugu geeriyooday Cusbitaalka guud ee Hargeysa.
 
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey shakhsi karti badan oo si mug leh uga soo qaybqaatay dibu-dhiskii iyo horumarintii Somaliland, waxana uu si gaar ah tacsi ugu diray aa golaha wasiirrada ee uu marxuumku ka tirsanaa.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraa biyo, qoyska, qaraabada, qaranka, asxaabta iyo bahda siyaasadda ee uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.


Aamiin….Aamiin….Aamiin.