Musharaxa Beelaha Carabta Somaliland Saalim Cubeyd OO Taageero Cudud Leh Berbera Kusoo Bandhigay Ololaha Doorashada ee Wadani

 



Berbera (TNN)-Musharax Saalim Cubeyd Saalaim oo ka sharaxan Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa maanta siweyn usoo bandhigay cudada taageerayaashiisa kusoo bandhigay Madasha ur ur Siyaasadeedka Wadani ay isugu yimaadeen iyagoo ruxaya calanka wadani iyo sawirada mus harax saalim cubeyd Saalim waxaanay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kui taageerayaan mu sharaxaasi waxaanu uu la hadlay Taageerayaasha Wadani Isagoo ugu baaqay inay codka siiya an maalinta doorashada sidan oo kalena usoo camiraan codadka waxaanu yidhi "Waxaan aad idiinkaga mahadnaqaya sida aad isugu soo baxdeen ee aad u muujiseen cududiina waxaan aami nsahay inaad maalinta doorashada sidan usoo camiri doontaan sanaaduuqda si aan guul usoo hoyno" ayuu Saalim Cubey.

waxaan ka waramay Muhiimada ay is sharaxaadiisu u leedahay somaliland oo dhan waxaanu yid hi "waxaan qabaa in la ii doortaa inay ka dhabaynayso dimuqaraadiyada somaliland oo laga qey bgaliyey beelaha carabta somaliland, maadaama ay ku leeyihiin kuraas wadamada jaarka golay aashooda qaranka sidaa darteed waxan ka codsanaya bulshada reer somaliland inay codkooda igu taageeraan guud ahaan anoo si gaar ah ula hadlaya reer Berbera waxaan leeyahay codkiin a isiiya oo ii codeeyaa maaddaama aanay jirin cid iga reer berberaysan karaamada magaaladani kor ayey u kacaysaa hadii aad codkiina igu taageertaan waxaanan waxka qaban doonaa arimah  bulshada iyo inaan la xisaabtamo waaxyaha hawlahaasi qaabilsan" ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa saalim cubeyd oo ka sharaxan urur siyaasadeedka wadani.



Musharaxa Saalim Cubeyd Saalim ayaa noqonayaa musharixi u horeeyey ee beelaha carbeed ah ee iska soo sharaxay magalada berbera iyo somaliland oo ay carabtu ku nool jirtay haatan beel aha carabtu ku noolyihiin.
 

 

 


Cabdikariim Siciid Saalax
Timacade News Desk
Berbera,Somaliland