Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xus een oo lagu Soo dhaweeyey   Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Britain



London (TNN):- Madaxda wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Britain oo ay wehelinayaan madaxda waaxaha dalka ingiriiska u qaabilsan dhinaca ammaanka, sir doo nka iyo weliba iskaashiga caalamiga ah, ayaa ku soo dhaweeyey gudaha wasaaradda arri maha dibadda ee dalka ingiriiska musharaxa xilka madaxtinimada xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo uu wehelinayo xoghayhiisa arrrimaha dibadda Mudane Maxamed Aar Cabdilaahi iyo madaxda laamaha xisbiga UCID ee dalkani ingiriiska. Mudane Jamaal Cali Xus een oo booqasho ku jooga magaalada London maalintii labaad, ayaa waxaa barxadda hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska waxaa ku soo dhaweeyey xidhiidhiya ha wasaaradda arrimaha dibadda dalka ingiriiska u qaabilsan qaybta beriga Afrika Mr. Cam eron Miller.

Wallow aan kulanka guud ahaanba loo ogolayn inay warbaahintu goob joog ka ahaato, isla markaana ahaa kulan xasaasi ah oo ay ka qayb qaadanayeen saraakiil dhinaca ammaanka iyo sirdoonka dalka ingiriiska qaabilsan, ayaa markii kulankaasi dhamaaday waxaa shabaka dda Rasmi Media ay wax ka weydiisay Mudane Jamaal Cali Xuseen bal inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabahii ay ka wada hadleen madaxda dawladda ingiriiska, wuxuuna Mudane Jamaal Cali Xuseen musharaxa xilka madaxtinimada Somaliland ee xisbiga UCID ku jawaabay “wuxuu ahaa runtii kulan aad u muhiim ah, waxaanu kulan balaadhan la yeelanay saraakiil kala duwan oo dhinaca ammaanka iyo iskaashiga caalamiga ah u qaabilsan Britain waxaan anu kala hadalay afar qodob oo aad anaga xisbi UCID ahaan noogu muhiim ah” ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen. Jamaal oo faahfaahin ka bixinaya qodobadda ay isla soo qaad een madaxda dalka ingiriiska wuxuu yidhi “qodobadda afarta ah waxay kala ahaayeen

1) kobcinta xidhiidhka Somaliland iyo dawladda ingiriiska

2)Dardargelinta doorashooyinka madaxtooyada ee inagu soo socda oo ingiriisku laf dhabar u yahay dalalka deeq bixiyayaasha ah ee inaga caawiya doorashooyinka.

3)Ciidamadda RRU-da ee loo sameeyey ka hortagga khataraha balse ay xukuumadda hadd a tallada haysa u isticmaalayso sifo khaldan cadaadis iyo dhib badan ku haya shacabka, oo dabacana dawladda ingiriisku ay bixiso kharashka ciidankaasi

4) Xorriyatul qawlka saxaafadda oo aanu si weyn ugala hadalay sidii ay dawladda ingiriisku culays u saari lahayd xukuumadda Somaliland inay xaqdhawrta xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qawlka, afarta qodob ayaanu si balaadhan uga wada hadalay, si wanaagsana way noo dhegaystaan” ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen.

Mudane Jamaal oo aanu weydiinay inuu faahfaahin ka bixiyo jawaabtii ay bixiyeen wuxuu yidhi “Aad ayey runtii noo dhegaysteen, aadna waxay u xiisaynayeen kulankayagani, waa markii ugu horaysay oo hogaamiye mucaarid ahi uu la fadhiisto saraakiil iyo madax dawlad da ingiriiska ka tirsan oo baaxadda leh, marka qodobadii aan kala hadlay ee afarta ahaa dhammaantoodba waxay nooga ballan qaadeen inay fulinayaan, qodobka doorashooyink ana waxay noo sheegeen in sida ay anaga nooga go’antahay ay iyagana uga go’antahay inay xilligeedii ku dhacdo, arrimo badan oo aanu isla sooqaadnay ooaan u baahnayn in saxa afadda la mariyana waa jirta, wuxuu ahaa wada hadal aad u sareexadleh, way na dhegay steen, anaguna waanu dhegaysanay” ayuu yidhi Mudane Jamaal Cali Xuseen.

Mudane Jamaal Cali Xuseen wuxuu sheegay inay si aad ah ugala hadleen dawladda ingiriis ku inay kordhiso dhaqaalaha gargaarka ah ee ay siiso Somaliland “waxaan si toos ah ugu sheegay inay cadaalad darro weyntahay in Somaliland oo qabsatay wax kasta oo qarran looga baahna lala bar bar dhigo Soomaaliya oo fashilantay, waxaanu u sheegnay in dawlad da ingiriisku si qarran jira noola macaamisho, isla markaana kordhiso cilaaqaadka dawliga ah ee ay Somaliland la leedahay, waxaanu u sheegnay inaanay nabadgelyada iyo xasiloo nida Somaliland ka jirta oo Geeska Afrika ku naaloonaysa sii shaqayn doonin haddii aan Somaliland la aqoonsan, waana ay nala qaateen, nala waafaqeena” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa oo ay ka qayb galleen saraakiil dhinaca ammaanka, sirdoonka, xidhiidhka caalamiga ah iyo ganacsiga leh oo hor fadhiista hogaam iye ka soo jeeda xisbiyada mucaaridka Somaliland.
 


UCID Media/UK