Musharixiinta Sanadka iyo Saamaynta Bulshada ay ku yeelan karaan!!!!! Faallo By: Mustafe Future
 

 


Shaqsi kasta oo Xil qabtaa Wuu Dareemi karaa Culayska Masuuliyaddu ay leedahay.....

Xilku waa Masuuliyad Culus oo Ammaano ku ah Masuulka la saaro, Shaqsi kasta oo Xil qabtaa Wuu Dareemi karaa Culayska Masuuliyaddu ay leedahay, Masuuliyadu Waxa ay ka bilaabantaa Shaqsiga Laftiisa, Qofku marka uu Naftiisa Maamulo,ayuu Bulsho Hogaankeeda ku hamiyi karaa, Shaqsiga maamulkiisu Saamayn Wayn ayuu ku leeyahay Maamulka Qoyskiisa, Shaqsiyadiisa iyo Dabeecadiisa.

Qormadan oo ay igu Dhalisay Markaan arkay Qaar ka mid ah Musharixiinta Axsaabta iyo ururad da Siyaasadu ka soo Xusheen Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland kuwaasi oo qaarko od ay gabeen Masuuliyada Naftooda, qaarkoodna aanay Buuxin Karin Shuruudaha Komishanka Doorashooyinku ku Xidhay Musharaxa, hadday tahay Aqoonta, Da’da iyo Meeqaamka uu Buls hada ka jiro-ba.

Ururada Siyaada Qaarkood ayaa Suuqa ka soo Qortay Musharixiin ay liisaska ku Buuxsadaan ku waasi oo Qaarkood laga soo Kexeeyay Shaqooyinkoodii Maalin laha ahaa, Qaarkoodna laga soo kiciyay Maqaaxi ama Marfash Qaad iyada oo loo Balan qaadayo Lacag yar oo Maalmo Dabooli karta Balwadihiisa, ka dib inta sawirro laga Qaado lagu soo Daabaco Warqado uu ku Galo olola ha doorashada si ay dadku u Arkaan Sawirkiisa iyo Magiciisa.

Waxaa dhacday maalmo dhawayd in Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Qaarkood ay dhalinyarada su uqa joogta waydiiyaan “Ma kaa soo sharaxaa Ururkayga, Xildhibaan waad noqon kartaa, Anna dhaqaalaha ayaan kaa taageeri doonaa” taasi oo Dhalinyarada Qaarkeed hami galisa Maalmo gaaban, Qaarna ay ka diidaan, sida maalin dhawayd ka dhacday degmo ka mid ah Gobolada Somaliland oo inta Wiil dhalinyaro ah oo Muruqmaal ah gaar ahaan Dhalinyarada Baabuurta Maydha inta Qaad la siiyay Sawiro-na laga Qaaday dabadeedna la soo sharaxay, ka dib markii Waalidkiisii arkayna laga gubay Warqadihii, Qaarkoodna la xidhay markii ay Shaqadoodii ku seegaan Shilimaad ururaddu maalmo bixiyaan.

Gudoomiye Urur Siyaasadeed oo Dhawaan Murashixiin u Doontay Gobolka Gabiley ayaa la Shee gay in uu soo maray Magaalada Arabsiyo oo gaadhigii kaga Banjaray ka dib markii uu Banjarle (goomayste) u dhaw laamiga ku baydhay ayuu iska Waayay lacag kaash ah oo siiyo banjarlaha Markaas ayuu inta uu Toban dollar soo saaray ku yidhi Baaqiga iisoo celi, ninkii Banjarlaha ayaa ku yidhi “Adeer Sarif ma hayo’e iska qaado lacagtaada oo iska soco haddanad goo’go haynin, Fasax baad tahaye” Gudoomiyihii inta uu soo degay ayuu ku yidhi “ Adeer Ma Reer Arabsiyo ay aad tahay nin Fiican baad tahay” markaasuu ugu jawaabay “haa Adeer Deegaanka ayaan aha y” markaasuu ku yidhi “ Adeer nin wanaagsan ayaa tahaye ururkayga Wakiil ma kaaga dhigaa, oo Musharaxna maad ka noqon” ninkii miskiinka ahaa ee Banjarka yar haystay ayaa ugu jawa abay “ Adeer Annigu Saaxibul Ciyaal ayaan ahay, Sagaal ubad ah ayaan haystaa, Waxna ma Qoro, Waxna ma Akhriyo, markaa Adeer ma gali karo hawlahaasi”.

Dhaqdhaaqa Doorashooyinka Golayaaha Deegaanka iyo Tartanka Ururaddu ay ku doonayaan in noqdaan Xisbiyo Qaran ayaa Saamayn ku yeeshay Bulsho waynta Somaliland gaar ahaana Beel aha oo Shirar kala gaar gaar ah qabsaday si ay Beel waliba usoo xusho Musharixiinta matali kari ee ay u arkaan in Hanan karaan Masuuliyadaasi iyada oo Beelaha Qaarkood tartan u same eyeen Musharixiinta Hamigu ka hayo Doorashada Deegaanka kuwaasi oo qaarkood bakhtiyaa nasiib ku kala reebeen Musharixiintaasi, Ururadda siyaasada Qaarkood ayaa Hami kale galiyay Dhalinyaro badan oo Beelaha ay kasoo jeedaan Reebeen oo ay isku raaceen shaqsiyaad kale oo ay u arkeen in ay ka soo bixi karaan Masuuliyadaasi, Arimahaasi ayaa kala jab ka dhex Abuu ray Beelaha Qaarkood, halka qaarna Colaadi ka dhalatay is-garab yaaca Musharixiinta qaarkoo d oo hal qoys ka soo wada Jeedaan oo Badankoodu Dhiiri galin kale ka helay ururro Waayay Cid ay ku buuxiyaan liiska Musharixiinta Komishanku ka rabo in uu ka keeno Degmo walba.

Xulashada Musharixiinta ayaa kor uqaaday
Qabyaaladii iyo Tafaraaruq ku yimaada Beelo badan oo Reer Somaliland ah, ka dib markii ururada Qaarkood soo Sharaxeen Musharixiin isku Xaafad ah, Qaarkoodna aad iskugu dhaw yihiin kuwaasi oo Beelaha Qaarkood kala raaceen isla markaa na ku Coloobeen in ay sameeyaan isku Tanaasul, si loo soo saari karo Musharaxa Beeshu isku r aacdo ee ay u arkaan in uu Buuxin karo Xilka Culus ee Laga sugayo, arintaasi oo Saamayn Way n ku yeelatay Dhalinyarada Bilaa Camalka ah oo ay Cawaaqib xumo wayn ku Samayn karto Mus taqbalkooda.

Musharaxa u Tartamaya Doorashooyinka Deegaanku Waa in uu yeeshaa Haykalkii Masuul utaagan in uu Noqdo Xildhibaan Bulshadiisa Matala oo Magac iyo Maamuus ku dhex leh Golaha uu ka tirsanyahay, kaasi oo Fikir Wanaagsan iyo Waxqabad la Taaban karo ku soo kordhin kara Degmadda Laga soo doortay, Waa in uu Aqoon iyo Waayo aragnimo u leeyahay Xilka uu Qaadayo, Waa in uu Garanayaa Masuuliyadu waxa ay tahay, Waa inuu Noqdaa Shaqsi Dad la dhaqan leh oo Wada-shaqayn la yeelan kara Bulshada, Waa in uu yahay Shaqsi Alle ka Cabsi leh oo garan kara Culayska Ammaanadu leedahay, Waa in uu noqdaa Shaqsi wax Abuura oo aanu Noqon mid wax burburiya.

Musharixiinta ku guulaysata Tartanku waxay Saamayn ku yeelanayaan Horumarka Danta Guud ee Deegaanka iyo Dib u dhiciisaba, Waxay Saamayn ku leeyihiin Adeegyada bulshadda sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Nabad-galyada, Waxaa looga Baahanyahay Codbixiyeyaasha in ay doortaan Shaqsiyaadka Wanaagsan ee Aqoonta , Waayo Aragnimadda iyo Alle ka Cabsigu ka Muuqdo ee ay isleeyihiin Isbedel Horumarineed ayay Abuuri karaan.

Gabo-gabadii Qormadayda waxaan Bulshadda Reer Somaliland uga Digayaa in kala doortaan Dadka Wanaagsan iyo kuwa Liita ee Dib udhaca, Hanti Boobka iyo Masuuliyad darrada keeni kara Deegaankooda, Waxaan hadalkayga ku soo Afmeerayaa Codkaagu yuu kuu horseedin Calaacal iyo Ciil kaambi danbe!!!!!.
 


Mustafe Future

Timacade News Desk
mccfuture@hotmail.com
Hargeysa, Somalialnd