Muuse Biixi oo bayaamiyay in xukuumadda iyo Xisbigeedu ay ka midaysan yihiin go’aankii Wakiiladda


 




Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, a yaa sheegay in Xisbiga uu hogaamiyaha iyo Xukuumadda ka dhalatay ay ka midaysan yihiin in Waddanka ay ka qabsoomaan Doorashada Goleyaasha Deegaanada Wakhtigii loogu tallo galay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu meesha ka saaray in Xisbiga talada haya ee Kulmiy e iyo Xukuumadda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilla anyo) ku kala aragti duwan yihiin Go’aankii Golaha Wakiiladu todobaadkii hore ku laaleen D iiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, waxaanu sheegay in ay ka midaysan yihiin si wada jir ahna uga shaqaynayaan sidii ay doorashooyinka dalku ugu qabsoomi lahaayeen wakhtigii loo qorsheeyey.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo u waramayey Telefishanka Qaranka waxa uu yidhi “Ma diiwaan gelin ayeynu doonaynay mise doorashado, arrintaasi markii la waday Xisbiga Kulmi ye iyo Xukuumaddiisii waxay doonayeen in Diiwaan gelintii lagu galo Doorashadii hore lagu galo doorashada Goleyaasha Deegaanka, laakiin waxa diiday Xisbiyada kale, haddii taas la diidayna waa in doorashadii bilaa diiwaan gelin lagu galaa, si doorashadu wakhtigeedii loogu tallo galay ay ugu qabsoonto, waxaan leenahay madaama oo aynaan diiwaan gelin samaynay wakhtina u baahan tahay aynu doorashada ha loo diyaar garoobo”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka midaysan yihiin qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka.


“Waxaan maqlayey dad leh Xukuumaddaa isku khilaaftay Diiwaan gelinta, waanan dhegey stay Wasiirka Duulista waanu taageeray, Afhayeenku wuu ka hadlay oo isagu wuu taage eray in diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashada, markaa waxaan idin sheegayaa in Xuku umadda iyo Xisbiga Kulmiye ka midaysan yihiin in dalka doorashadu ka qabsoonto,”ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE , oo caawa u waramayay TV-ga SLNTV ee dawladda.



Source:Somaliland.Org