Muuse Biixi oo Hay’adaha UN-ka iyo kuwa Caalamiga ah si kulul ugu ee deeyey inay dullaystaan dadka reer Somaliland, lacag badanna ku lunsadaan magacooda

 



Haegeysa (TNN)-Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag ula hadl ay Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee Somaliland ku sugan, isla markaana ku eedeeyey inay si dullinnimo ah ula dhaqmaan dadka reer Somaliland oo uu xusay inay ku tilmaamaan dad ku nool dawaradooda. Guddoomiye Muuse Biixi oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad ay Dallad da Ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ku soo bandhigeen Cilmi-baadhis ay sameeyeen oo la gu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa. “Markii aannu KULMIYE aannu codka idinka do onaynay siddeed qodob ayaannu dhalinyarada arrinteeda ka soo jeedinnay ahaa waxa la yeeli doon aa, waxa la yeeli doonaa…. Iyo waxa la yeeli doonaa, idinna immika sagaal baad soo jeediseen ah, wa a in la yeelaa, waa in la yeelaa, waa in la yeelaa…Waa in la yeelaa. Siddeed baa isku mida, mid baynu  ku kala duwannahay, oo annaga ka u dambeeyaa waxa uu ahaa (national Service) adeeg Qaran iyo iskaa wax u qabso, idinkuna waxaad soo jeediseen tirakoob halla sameeyo iyo baadhista halla sii wado.

Horrta intiinna halkan fadhida badankiinnu illaa maalintaad dhalatanee, anna Timuhu ii madoobaayeen oo 20 sano ah waxaan dhagaysanayey cilmi-baadhis ah, dhibaatadaasaa inna haysa, taasaa inna hay sa iyo, dhalinyarada tahriibtaa dhib ku haysa, qaadkaa dhib ku haya…. “ ayuu yidhi Muuse Biixi. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray; “Haddii nabar ku xanuuno inaad tidhaahdo waa kansal oo lugta waa la jarayaa iyo in dawo loo helaa kala roon. maanta maan filayn in Baadhitaankii uun lagu soo noqdee waxaan filayey in la keeno sideebaynu shaqo u abuurnaa, sidee aynu dhibaatad aa hableeyo uga baxnaa? Illaa dawladdii ugu horreysay illaa tan maanta ah, Dawlad walba waxa la yid haahdaa waa inay waxaa fulisaa, waxaa fulisaa oo waxaa….laakiin Su’aashu waxay tahay ma fulin kar aysaa, waayo se cidda la leeyahay ha fuliso, ma dhawr iyo tobanka Wasiir-baa, ma Odaygan Siilaany aa, ma qoladayadan KULMIYE ee halkan fadhidaa? Waa ayo cidda hawshaa inay fuliso laga sugayaa d haqaaleheennuna waynu ognahay inta uu yahay iyo halka wax innaga soo galaanba.” “Kolkaa waxay nu u baahannahay in fikraddii lagu celiyo baadhitaankii dhammaynaye Waxaynu u baahannahay inay nu nidhaahno sidaynu shaqo u helnaa oo qaar aabbayaashiin laa leeg ayey timuhu ku cirroobeen, mar kaan qoladiinnan baadhitaanka uun wadda weydiiyey oo aan ku idhi waar baadhitaan baa inna waree riyeye sidaynu wax u abuurnaa.

Dabadeedna farsamo badan baa la ii sheegay oo waxa la yidhi; NGO hebel iyo UN niman la yidhaahdo ayaa meeshan yimaadda, nimankaas kolba midbaa la beddalaa, Mr Maw, Berritana Mr. John, Mr… Mr…. Mr. John lacagtii wuu hayaaye jidkii kii hore ayuunbuu qaadaa dhalinyarada halla xoojiyo, baad hitaan Saylac iyo Burco ka soo sameeya, xog-ururintii waannu haynaaye, Innammadi way shaqo la yi hiin ayuu ku odhanayaa. Waar hadday shaqo la yihiin annagu dad tag-daran oo aan waxba ma hayne e wax noo qabta. Waar waddo ay sameeyeen nimankaasi miyaad weli aragteen. Lacag wey keenaan oo dhaqaale yar way bixiyaan, laakiin wax wax tar leh maaha. Guri yar iyo gaadhi yar ayaa la isku ha ystaa oo laga kiraynayo Hay’adaha. Waa mashruuca ugu weyn sidaynu u dullawnay ee nimankaasi innoo dhaqdaan gaadhigaa yar ayaa noqonaya xamaasad miidhan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

 Waxaanu intaa ku ladhay; “Waar haddii magac na raacayo oo aannu ceebaysannahay oo qolo dawar sanaysa ee aad wax siinaysaan aannu nahay waxaad na siinaysaan bal waddo yar ama Wershad yar ama mashruuc wax tar leh na siiya, waxay odhanayaan laguma ictiraafsana oo lagu siin maayo. Oo ha ddaan nala ictiraafsanayn miyaan dadka la ictiraafsanayn Aadamahan Illaahay abuurtay ee aad baah idooda aragtaan, miyaan Bina-aadmigu wuxu u baahan yahay wax la ictiraafo ahayn? Anigu nimanka an la hadlayaa waa nimankaa Hay’adaha Caalamiga ah ee aynu ku ceebaysannahay wax ay inna tare enna jirin. Ma lihi waxba ma qabtaan oo aan diidayo, laakiin waxaan u sheegaya hafarka na raacay iyo cadka nala saarayo ee aannaan waxba ka haynin. Sidee shaqo loo helaa anigu ma hayo xalkii, nin si fii can u hayaana ma jiro ayaan qabaa. Illaa maalintii dalka aynu soo galnay waxaan maqlayey Gudniinka Fircooniga ah.” Muuse Biixi waxa uu sheegay, inay wax aad mucjiso u ah tahay in Wiil labaatan jir ah oo Guddoomiye ka ah Dalladda SONYO hoggaamiyo 41 Urur, halka ay saddex Xisbi miis isugu keeni kari la’yihiin. Muuse oo arrintaa ka hadlayaana wuxu yidhi; “SONYO waxay halkan dambe ku qortay 41 Ur ur ayaannu hoggaaminnaa, waa Mucjiso inaad 41 Urur hoggaamisaan, annaguna saddex Xisbi ayaan nu isu keeni kari la’nahay oo maalin walba BBC-da iska caayaya, oo qaar kalena soo qoslayaan oo leeyihiin anna markayga igu siidaa.

Haddaad 41 Urur oo wada dhalinyaro ah oo wada shaqo la’, maxaad dalka u hagranaysaan, yaad ku eegaysaan?” Muuse Biixi oo ka hadlay qodobka Dastoorka ee ka hortaagan dhalinyarada ka qayb gal ka talada dalka, wuxu yidhi; “Horta nimanyahaw sidii aan la innoo aqoonsan ee shaqo la’aantu innoo gu dhacday Qabkii iyo kartidii iyo ku dhicii baa innaga yaraaday dhammaanteen, kuwayaga waaweyn na wuu ku dhacay, idinkana wuu idinku sii dhacay. Qodobbaa jira siddeeddii sano ee u dambeeyey ayn u ka cabannaynay oo cid diiddanina aanay jirin in laga tallaabsado, waa qodobka Dastoorka ee da’da dhalinyarada, Gole diiddani ma jiro, Xisbi diiddani ma jiro, waa daraafka oo la qaado, Golaha la horgee yo waa maalin, Guurtida la horgeeyo, waa maalin, maalinta saddexaadna waa Madaxweynaha oo saxeexa. Annagu waannu ballan-qaadnay in qodobkaa la qaado, doorashadii ka dib nin Dhalinyaro ah oo weli I weydiiya maan arag. Immikana waa diyaar, hadday Xukuumaddu diiddana aniga dhagta isoo qabta oo waxaad ballan-qaaddeen mee I dhaha.” Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey inay dhalinyaradu wax curin iyo afkaar cusub la yimaaddaan, oo iyagu abuuraan sidii shaqada loogu abuuri lahaa, iyaga loo horumarin lahaa, iyaguna ay dalkooda iyo dadkooda u horumarin lahaayeen.

Source: Wargeyska Ogaal