Muusi Biixi oo maanta si rasmi ah loogu wareejiyay guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE

 

Xafladani uu madaxwayne Siilaanyo ku wareejinayay xilka guddoomiye nimada xisbiga KULMIYE oo ahayd munaasibad aad u ballaadhan


Hargeysa  August 4 2010 (TNN)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed  Max amuud (siilaanyo) ayaa maanta xilkii guddoomiye-nimo ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah ugu  wareejiy ay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbigaasi KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi,Munaasibadaasi xil wareejinta ayaa ka dhacday hotelka Maan-Soor ee magaaladan hargaysa.

Xafladani uu madaxwayne Siilaanyo ku wareejinayay xilka guddoomiye nimada xisbiga KULMIYE oo ahayd munaasibad aad u ballaadhan isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay dad wayne aad u tiro badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada reer somalialnd oo ay ka mdi ahaayeen siyaasiyiin,cuqaal,culimawdiin,wax garad iyo marti sharaf kale.

Madaxdii kala duwanayd ee maanta munaasibadaasi joogay ayaa waxa ka mid ahaa madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud,madaxda sar sare ee xisbiga talada dalka haya ee KULM IYE,madax ka socotay xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID, oo uu ka mid ahaa 1-aad ee  xibiga asi UCID Aadan Maxamed Mirre (waqaf) guddoomiye-yaasha labada gole guurtida iyo wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ( cirro),guddoomiyaha golaha guurtida md Saleebaan Maxamuud  Aad an, xildhibaano ka tirsan labada gole qaran ee guurtida iyo wakiilada oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Xaaji C/kariin Xuseen (cabdi waraabe), qaar ka mid ah salaadiinta caanka ka dalkan Somaliland oo ay ka mid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan diiriye, Iyo Sheekh Aadan X. Maxamuud Xirsi ( Aadan siiro) iyo madax kale oo aad u farabadan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo ka had ka jeediyay munaasibadani uu xilka guddoomiye-nimo ku wareejinayay ayaa ugu horayn ka waramay marxaladihii doorasahda ee uu dalku ka soo gudbay,sidii wanaagsanayd ee xisbiyadii laga  guulayst ay u aqbaleen.

isaga oo madaxwayne siilaanyo sheegay in doorashadasi hanaankii iyo habkii ay u dhacday in ay  So maliland u soo jiiday indhaha caalamka. “ dalkeenan Somaliland waxaynu soo qabsanay doorashadii madaxtooyada oo si wanaagsan inoogu dhacday,doorashadaasi oo madax dunida ka kala socotay goob-joog ka ahayd oo meel walba iskaga yimaadeen,taasi oo noqotay mid Somaliland u soo jiiday indhaha caalamka habkii iyo qaabkii ay u dhacday. Tusaale fiicana u noqotay dalal badan oo afrika iyo caalamkaba ka mid ah magic wayna inoo soo jiiday ,oo aynu rejaynayno magacaa iyo sharaftaa ay inoo soo jiiday in uu ina dhaxal siiyo oo ay soo dhawaadaan himilooyinkii aynu hiigsanaynay oo ay ka mid tahay in aynu ictiraaf helo,in dawladaha caalamku wada sahqayn inala yeeshaan,in aynu hor u mar iyo wax qabad iyo gacan qabshaba caalamka ka helo,intii doorashada ka danbaysay hay,ado badan ayaa inoo yimid sida WORLD BANK, kuwo ka tirsan UN-ka iyo dawladihii doorashada inaga caawinayayba kuwaasi oo inoo muujiyay inoona cadeeyeen in ay diyaar inoola yihiin in ay wax inala qabtaan,halkaana aan ka sii wadno” ayuu yidhi Md siilaanyo.

waxa kale oo uu madaxwayne siilaanyo ka hadlay xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay taasi oo uu sheegay in ay tahay tii uu horeba u balanqaaday barnaamijkiisana ku jirtay xisbiga KULMIYE in haddii uu talada ku guulaysto uu dhisi doono dawlada kooban oo tayo leh taasina uu ka dhabeeyay,laakiin aanya suurto gal ahayn in cid kastaa ka dhex muuqato,isaga oo xusay in aanay golaha wasiirada uu soo dhisay ka dhex muuqan ama ku jirin rag badan oo magac iyo sharafba ku lahaa xisbiga KULMIYE..

Madaxwayne Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayay sababaha keenay in uu xilka gudoomiyaha xisbiga ku wareejiyo muuse biixi ayaa sheegay in ay tani ka mid tahay shuruucdaha xisbiga u yaala una  ho gaan samayaan waxaanu yidhi “xibiga KULMIYE weligiiba wuxuu ku faani jiray ahaana in uu yahay  xi sbi dimuqraadi ah mar walbana dimuqraadiyada aanu u hogaan samaynay,shuruucdii aanu dhiganay iyo go,aamadii aanu qaadanay waxaa ka mid ahaa in marka uu madaxwaynuhu xilka ku guulaysto  w areejiyo xilka guddoomiye nimada xisbiga kuna wareejiyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga in aanu ,qofna laba xil isku qaban mabaa dii,da nootiilay ayay ka mid ahayd,sidaa daraadeed anagoo fulinayna go,aankaa ka soo baxay shirwaynihii xisbiga ee magaalada burco waxaa farxad wayn ii ah in aan maanta xilkii guddoomiye-nimada xisbia aan ku wareejiyo guddoomiye ku xiogeenka 1-aad ee xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi “ ayaa uu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay madaxwayne siilaanyo.

Waxa isna munaasibadani khudbad ka jeediyay Muuse Biixi oo maanta lagu wareejiyay guddoomiye nimada xisbiga KULMIYE,muuse biixi isaga oo ugu horayn u mahadceliyay madaxwayne siilaanyo  ka na waramay shakhsiyada iyo rug cadaanimadiisa “ waxaan maanta mar kale taariikhda ku qoray  qo fka uu yahay Axmed siilaanyo,waxa laga dayan karo, iyo falsa fada uu dalka ku hogaamin karo  max adwaynaha oo ah macalinkaygii halganka iyo macalinkaygii siyaasada oo maanta mar ay ka  horays ay dhawr iyo labaatan sanadood isaga oo hogaaminaya xisbigii SNM guushiina magaalada Balay-gub adle si dimuqraadi ah oo aan muaran ka dhicin u wareejiyay xilkii ururka SNM kuna wareejiyay  mada xwaynihii u horeeyay ee somaliland Alle hau naxariistee C/raxmaan Axmed Maxamed Cali (tuur), ta asi waxay ahayd taariikh ku cusub jabhadaha afrika,waxaanan qabaa go,aankaa maalintaa  madaxw aynahan maanta joogaa qaatay in uu ahaa ka nabada Somaliland ku dhisantahay ee ay kaga  duw antahay somalilda kale,maantana isaga oo ah madaxwayne-nimada muddo bil ka yar hayay uu xilkii kursiga xisbiga wareejiyo, isaga oo noqonayo madaxwaynihii u horeeyay ee afrikaan ah ee xilka  xis bigiisa wareejiya isaga oo madaxwayne ah taasina waa taariikh labaad,

Waxa kale oo ay taasi ina baraysaa waa kuma Axmed Siilaanyo,muxuu u taagan yahay iyo xaguu inoo wadaa. waxaanu balan qaadaynaa hadii aanu nahay xisbiga KULMIYE iyo cidii uu soo tababaray ee halganka iyo siyaasadaba in aanu noqono ardaydiiisii iyo baalashii uu ku duulayay inta uu nool yahay ee uu xukunka hayo iyo haddii uu sii joogaba” ayuu yidhi muuse biixi.
Waxa kale oo uu muuse biixi hambalyo u diray madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.faysal cali waraabe isaga oo ugu hambalyeeyay sidii  wan aagsanayd ee u aqbaleen doorashadii madaxtooyada ee lagaga guulaystay,waxaanu madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale ugu hambalyeeyay sidii wanaagsanayd ee uu uga degay xilka una wareejiyay isla markaana u aqbalay natiijadii doorashada.

Waxa kale oo munaasibadani hadalo ka soo jeediyay guddoomiye-yaasha labada gole ee guurtida iyo wakiilada Md C/raxmaan maxamed C/laahi (cirro) iyo Saleebaan Maxamuud Aadan.

 


Khaddar Cabdi Muuse
Timacade News reporter
Hargeysa/somaliland