Wasiirkak Arimaha Gudaha Somaliland Oo Amar Ku Bixiyey In La Xidho Muwaadin Isku Dayey Inuu Markii Labaad Qaato Kaadhka Dhalashada

 


 

Hargaysa (TNN):- Wasaarada arimaha gudaha somaliland qaybteeda qaabilsan diwaan gelinta muwaadiniinta ayaa maanta xabsiga dhigtay muwaadin isku dayey inuu markii labaad qaato kaadhka dhalashada

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cabdixakiin Jaamac Maxamed Abokor oo hore iskaga diwaan geliyey xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa isku dayey inuu mar labaad i ska diwaan geliyo xarunta wasaarada arimaha gudaha somaliland,iyada oo uu soo qab tay Server-ka lagu kaydinayo xogta muwaadiniinta is diwaan geliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa bixiyey amarka lagu xidhay muwaadinkan, waxaanu haatan ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaa lada Hargeysa.Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa muwaadiniinta somaliland uga digay inay laba jeer is diwaan geliyaan, waxaana lagu war geliyey muwaadiniinta in haddii ay arintaas ku kacaan kala kulmi doonaan xadhig dheer.