Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyayaaye
by: Ali Xaruuri

 


Nin ugaadhsade ah baa maalin maalmaha ka mid ah ugaadhsi tegay. Wuxu maalintii oo dhan key nta dhex jibaaxaba, markii uu waayey wax ugaadh ah oo wakhtiguna noqday goor casar gaaban ah oo ninkiiba damcay inuu iska hoydo, ayuu shimbir ku taagnaa geed aan isagaba sidaa uga dur ugsanayni halkaa ka ciyey. Ninkii baa qalabkiisii ugaadhsiga ee uu xereeyey intuu la soo baxay ay uu si fiican shimbirkii u shiishay oo dhulka soo dhigay. Shimbirkii baa markii uu ugaadhsadihii gaca nta ku dhigay ku calaacalay oo yidhi "Show nabadgelyadayduba waxay ku jirtay aamusnaanta, oo haddii aan iska aamusi lahaa illeen waan nabadgeli lahaaye".

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

Waxan sheekadaa uga socdaa Dhagar-qabe Moorgan oo dhawaan ka hanjabayey Tv-ga oo halkii uu is gaabin lahaa badka isa soo dhigay waxaanan leeyahay ............

Gurxankiyo cabaadkiyo haddaad gooha demin weydo
Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede
Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane

Jawaabta kooban ee aan Moorgan siinayaa waxay tahay " Moorganow waxad ahayd Taliyihii Qe ybtii 26aad ee Bir-jeex ee ciidankii Somaliyeed ee ugu quwadda weynaa wakhtigaa, maantana w axaad tahay Sacaboolay aan wax hub iyo ciidan ah gacanta ku haynin, markaa ......MA SHALAY BAAD IS HAGRANAYSAY markii aad kabaha ka carartay ee lagu baacsaday".

Muxuu cay dameer igaga guri', wuu iska ciyayaaye


Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Af-xumo nabadna way kaa kaxeysaa colaadna waxba kaa gama tarto"


Markaa Moorganow jawaab ma mudnid oo hadalkuba khasaare ayuu kugu yahay waxanse qorma daydan gaaban ku soo gunaanadayaa

Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile

 

 


Wa billaahi Tawfiiq


Qalinkii: Cali Xaruuri
Holland
Adam.32@live.nl