Muxuu Daaranaa Shirkii
Maanta Uga Furmay Burco Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Ee Wada
Magaalada Burco?
Waxa maanta si rasmi ah uga
furmey Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco Shir balaadhan oo ay fooda
isku dareen in ka badan laba boqol oo Ergay oo isugu jira
Aqoonyahano, Siyaasiyiin Waxgarad iyo Salaadiin ka soo kala jeeda
labada beelood ee Galbeedka iyo Bariga Burco .
Shirkan oo ahaa mid mudooyinkii u dambeeyayba qaban-qaabadiisu ka
socotay magaalada Burco ayaa ahaa mid fadhiya oo Qayilaad jilbaha
laysu aastay, isla markaana waxa furitaankiisii ka hadlay labada
Suldaan Guud ee Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco Suldaaan
Cabdilaahi Suldaan Cali iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar.
Waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay Suldaan Cabdilaahi oo ahaa Suldaan
gogosha dhigay waxaanu ummaddii halkaa isugu timi ugu duceeyay in
ilaahay kheyrka kulansiiyo isagoo martidii halkaa timina si kal iyo
laaba u soo dhaweeyay.
Waxa isna halkaas hadal kooban oo mahadnaq ka soo jeediyay Suldaan
Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo sheegay in uu suldaanka iyo
ragga kaleba aad uga mahadnaqaayo soo dhaweynta diiran ee
walaaltiminada lah ee ay u fidiyeen.
Halkaa markii ay maraysay ee uu dhamaaday hadaladii salaadiinta ayaa
waxa debada looga saaray madasha shirka Saxaaafada oo ay ka cudur
daarteen.
Markii shirku dhamaaday oo aanu gooni gooni ula kulanay qaar ka mid
ah ergooyinkii shirkaa fadhiyay ayaa waxay sheegeen in uu shirku soo
gabagaboobi doono maalinta bari isla markaana halkaa go’aan lagu
qaadan doono.
Hase yeeshee ergooyinkaasi waxay Ramaasnews u sheegeen in dhinaca
qolada martida loo ahaa ay hadalkoodu u badnaa in la mideeyo quwada
Burco, isla markaana marka ay doorashada gaadho codka la siiyo
Musharaxa dhalasho ahaan ka soo jeeda G/togdheer ee hogaamiya
Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Ahmed Mohamed Mohamuud Siilaanyo .
Dalabka ay soo qadimeen waxa si gooni gooni uga jawaabay dhinacii
iyana dalabka loo soo gudbiyay inkasta oo nuxurka shirku uu ahaa in
la taageero haddana, si isku mid ah ayey u soo dhaweeyeen hadalada
dalabkaa oo ahaa in la taageero musharaxa reer Togdheer ee
doorashada u sharaxan.
Inkasta oo aan wax go’aana laga soo saarin halkaasi haddana wararka
ay xog-ogaalku sheegayaan waxa uu sheegayaa in qodobo muhiim ah
shirkaas laga soo saari doono maalinta berito ah.
Ugu dambeyntii taageerayaasha Xisbiga UDUB ee ku sugan Xarunta G/Togdheer
ee Burco ayaa walaac ka muujiyey shirkan balaadhan ee labada beelood
ee wada dhashey ee Burco ku mideynaya quwadooda shirkuna uga socda
Hoteelka Caalamiga ah ee City Plaza oo ay mudooyinkii u dambeeyey ku
soo biirayeen xubno waaweyn oo ka tirsan Xisbigooda UDUB.
Ramaasnews
|