M/waynaha JSL Md Axmed Maxamed Siilanyo oo maanta Qas riga Madaxtooyada Ethiopia Kulan kula yeeshay Ra段sal wasaare Ato Males Zenawi
 

 


Addis Ababa (TNN)-M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa  m aanta Kulan la yeeshay Ra段sal wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi, M/weyne Axmed Siilaanyo ayuu ku qaabilay Ato Meles Zenawi Qasriga looga arimiyo Wadanka Ethiopia .

Ra段sal Wasaare Meles Zenawi ayaa si wayn u soo dhaweeyay M/waynaha sheegayna in u si kal iyo laab leh u soo dhawaynayo M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo xusay doorashadii ka dhacday Somaliland waxaanu ku hambalyeey M/weynaha Somaliland Doorashadii uu ku  guul eystay waxaanu sheegay in Somaliland ka soo gudbtay xaalado fara badan taas oo uu ku  sheeg ay in shacbiga Somaliland ay dhabar adayg muujiyeen .

M/waynaha Somaliland ayaa isna geestiisa uga mahadceliyey sida walaalninamda ah heerka  sar ena ah ee loo soo dhaweeyey waxaanu Meles Zenawi ku tilmaamay haleyey Geeska Afrika ah  w axaanu si xoog leh uga mahad celiyey soo dhawaynti iyo qaabilaada kalgacaltooyo ee dawlada Ethiopia ku qaabishay isaga iyo waftigiisa.

M/wayne Axmed Siilaanyo ayaa balanqaaday in uu sii xoojinayo xidhiidhka u dhaxeeya labada dal u dhaxeeya kaas oo aan ahayn mid dhawaan yagleelmay waxaanu ka waramay M/waynuhu  taa riikhda Somaliland iyo Xidhiidhka U dhaxeeyey labada umadood .

Ugu danbayntii masuuliyiinta u saraysa labada Xukuumadood ayaa yeeshay kulan gaar ah kulan kaas oo ay dhinaca Somaliland matalayeen M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo Wasiirka arimha Dibada iyo iskaashiga Dr Maxamed C/laahi dhinaca Xukuumada Ethiopiana  Ra段s al wasaare Ato Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arimaha Dibada ahan Ra段sal wasaare ku xigeenka  d alka Ethiopia Ato Hailemariam Desalegn iyo madax kale.

Ugu danbayntii Waftiga M/waynaha Jamhuuriyada Somaliland Hogaaminayo waxa qado sharaf ugu sameeyey Hotel Shereton Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ahna Raisal wasaare ku xigeenka Ethiopia Ato Hailemariam Desalegn



Timacade News