M/Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Shir Taageero Loogu Raadinayay Xisbiga UDUB Oo Lagu Qabtay Tuulada Laalays Ee Degmada Sheekh

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta ka qeyb galay shir balaadhan oo ay tuulada Laalays ee degmada Sheekh ay ku yeesheen Beesha Maxamed Ciise oo ah jufo ka mid ah beesha uu ka soo jeedo.

Shirkaas oo taageero loogu raadinayay xisbiga UDUB, ka dib markii Sabtidii Guddoomiyaha beesha Awal Barri, uu sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen xisbiga talada haya, isla markaana ay ku biireen isaga iyo taageereyaal badani xisbiga KULMIYE.

Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Cuqaal aad u tiro badan, muumalka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashada Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Gadhweyne] waxaa goob joog ka ahaa boqolaal qof oo ka soo jeeda beeshaasi.

Illaa Labaataneeye Caaqil iyo wax garad kale isugu jiray oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga UDUB, oo ay sheegeen in maskaxdii lagu aasaasay ay ka timid Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum- Maxamed X Ibraahim Cigaal, oo beeshan ka soo jeeday. Waxaanay beeniyeen inay ku biireen xisbiga KULMIYE.

Cuqaasha iyo odayaashii shirkaasi ka hadlay waxay sheegeen in magaca beeshooda ay ku hadli karaan iyagu balse aanay haboonayn in dad caadi ahi ay ku biiraan xisbiyada iyagoo sita magac beeleed.

Shirkaasi oo aad loo sacbinayay isla markaana u muuqday mid ay agaasinkiisa muddo laga soo shaqaynayay, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasiin, hadal kooban oo uu shirkaa ka jeediyay ayuu si weyn ugu mahad naqay taageerada ka soo baxday shirkaasi ee lagu taageeray xisbiga talada haya ee UDUB , oo uu ka yahay Murashaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka ee uga qeyb galaya doorashada madaxtinimada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka oo si is ilaalin iyo taxadar ku jiro ula hadlayay cuqaasha iyo waxgaradka ka qeyb galay shirkaasi ayaa murti kooban ku fasiray wax qabadkooda, waxaanu yidhi "Dhiishu markay cusub tahay caanaha way cuntaa, laakiin markay duugoowdo caanaha way haysaa."

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ayaa saaka ka ambo-baxay magaalada Hargeysa, waxaanu illaa galabta ku sugnaa Tuulada Laalays, waxaana la filayaa inuu caawa booqasho ku tago degmada Sheekh.










Ramaasnews