Madaxweynah Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo) oo booqday laascaanood iyo fadhiisimadda ciidammadda qaranka




 



Laascaanood (TNN)-Madaxweynaha J. Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) a yaa saaka socdaal shaqo ku tagay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo deega anka Gambadhe oo 36 km dhinaca bari ka xigta Laascaanood waxaanay fadhiisin u tahay ciidam madda J. Somaliland ee jiida hore.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxay Huteelka Xamdi ee magaalada Laascaanood kula shi ray odayaasha, cuqaasha, waxgaradka iyo maamulka gobolka Sool kuwaasi oo Madaxweynaha uga waramay xaaladda Nabadgelyada deegaamada Sool iyo adeegyada bulshada ee gobolku u baahan yihiin.

Madaxweynaha J. Somaliland waxa uu maamulka Gobolka Sool ugu baaqay inay dedaal weyn u galaan sidii loo sii adkayn lahaa ammaanka gobolka oo uu tilmaamay inaan horumar balaadhan la gaadhi Karin haddii aan la sugin ammaanka. Waxaanu madaxweynuhu balan qaaday inay gac an siin doonaan ciidamada iyo maamulka dawlada.

Madaxweynaha J. Somaliland waxa uu sheegay inuu ahmiyad weyn siinayso horumarinta gobo lka Sool.

Dhinaca kale, Madaxweynaha J. Somaliland waxa uu u gudb ay dhinaca deegaanka Gambadha oo 36km dhinaca bari kaga beegan magaalada Laascaanood waxaanu khudbad dhiiri-gelin iyo niyad dhis iskugu jiray u jeediyay ciidamada qaranka eek u sugan jiidaasi, waxaanu tilmaamay inay shaqo adag oo wadaniya u hayaan qarankooda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ogsoon yahay ciidankaasi oo u dhabar adaygay difaaca soohdimaha qaranka J. Somaliland.

Wasiirka daakhiliga J. Somaliland Md. Maxamed Nuur Carralle (Duur) ayaa socdaalka madaxwey naha ee gobolka Sool ku tilmaamay mid caadi ah oo la mid ah kormeerka xaqiiqo raadiska ah ee uu ku marayo Madaxweynuhu gobolada kale ee dalka.

SL Media