WAR-SAXAAFADEED

 

 

 

Taariikh:15 September 2011

 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Qasriga Mada xtooyada ku qaabilay wefti ka socda deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera horumarinta hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Xubnaha weftigan oo ka kooban 5 xubnood, isla-markaana uu hogaaminayo Mr. Ole Thonke

Waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay xoggogaal u noqoshada halka ay marayso hawsha doorashada goleyaasha deegaanada iyo doorashooyinka kale ee ka dambeeyaba. Isla-markaana waxa ay sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin inta ay kaga beegan yihiin hawshaas farsamo ahaan iyo dhaqaaleba.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna uga waramay inay Somaliland si wanaagsan uga hirgashay hanaanka dimuqraadiyadu, isla-markaana waxa uu uga mahad naqay qaadhaan-bixiyeyaasha kaalinta wax ku oolka ah ee ay ku leeyihiin guusha ay Somalil and ka gaadhay dimuqraadiyada.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay in hawsha doorashada goleyaasha deegaanku ay meel wanaagsan marayso xukuumad ahaana intii ku xidhnayd wax badan uu fuliyay sida furashada ururada siyaasada iyo magacaabidda guddida diwaangelinta iyo kala saaridda xisbiyada.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin qabashada d oorashada, isla markaana ay tix-gelinayaan talada dhinacyada ay khusayso oo dhan.

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.