N A B A D D A

 



Marka hore waxaan salaamaya dhamaan hawl wadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Timacade News Network,  marka xigta waxaan salaamaya dhamaan akhristayaasha sha rafta leh meel kastoo ay joogaan' waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa gabay aan ku cabiraayo qiimaha nabadu ay u leedahay aadamaha ku nool dunida dacaladeeda,waxaan a magacisa la yidhaa Nabad:
 

 



Kelmedii nadiifaan xushaa gabayga nuuroowe

Xalay baan niskii dhexe hurdada maanso naawilaye

Niyadaan ku daabacay tixdaan soo naqayn jiraye

Erayada naxwaa iyo murtida waanan naasiyine

Nuxurkeeda maansada hadaan nuurka ka cadeeyo
 

*****

Aadmiga naruuray u tahay nabada waartaaye

Nugliyaha dhawaaqiyo haduu ololo naabaalku

Hubka noocba nooci i haduu uunka nabar yeelo

Ubad naaska nuugiyo haduu dumarka naafeeyo

Nag hadii ilmaa laga dhigoo naxashku ciirciiro

*****
Naftu way macaantee hadii laysu nixiwaayo

Nabad doonka reeruhu haduu nuuxsan kariwaayo

Nasab iyo nin daacad ah hadii nacab ku soo duulo

Naxligiyo nacaybshuhu haduu nudayga saameeyo

Naxdin baa ku naanaabisiyo nabar xanuun weyne

*****

Nimco male nawaaxiga dagaal lagu naf waayaaye

Nabad baa aduunyada u wacan lagu negaadaaye

Waa nuur baxaayiyo ilays uunku naawilo e

Waa noloosha hoygeeda iyo guri naruuraade

Waa naqad nebdigu doonayiyo nuurad dheeman ahe

*****

Waa xoolo nuuxnuuxsadiyo dahab la noolyaaye

Waa naas irmaan iyo xareed deeqa noolaha e

Waa roobka naacawda liyo malab la nuugaaye

Waa midho nuglaadiyo nabaad loo nasanayaaye

Waa naqa gugii soo bixiyo ubaxa nooceede

*****
Naxariista eebiyo hadana waa nas qaaliyahe

Noorwey nayuusiilaand iyo cidhifka nood boolka

Naaboli ilaa iyo nootigaam naasi faransiiska

Nayuu Yoog ilaa needalaand kuuriyada noodka

Nabalas najaaf iyo arliga meel nafaqo taallo

*****

Neebaal iyo nagaasaaki iyo nalaal iftiimaaya

Naagalaand nayuu sawt ilaa keneda noodkeeda

Nabiibiyiyo nayjeeriyiyo gobolo naacaawle

Nawaaxiga Hargaysiyo ilaa sabada nayroobi

Ruuxii nasiiblaa dadkaba lagu negeeyaaye

Aduunyada nimcada eebe iyo nabad ku noolaada

*****

 

Abwaan Aadan Muuse Haybe