Naa soo Xaaway, Xadiyo xaalna kama raacdid
Hamud Duale
 

 


Durduro geel baa ku jaba ee

Damaacina waa xun yahayee

Dantuna waa lama huraan.
Dantuna waa lama huraan

Markaad halku dhega kor ku xusan aragtaan, qaarkiin baa moodi doona, in aan qalinka u qaat ay in aan isku dharerinayo amma is barbar dhigayo marwooyinkii madaxweynayaashii dalkan soo maray; oo aan ka soo bilaabayo Ina Basbaas, Marwadii M/weynihii u horeeyey, ee Somal iland -Ilaahay qabriga ha u Nuuree -mudane Cabdiraxman Axmed Cali.

Xaasha kala, taa ha iga iigana. Dhaqan diidan baa jira, oo aan u hogaansanahay. Dhaqan in aan maamuuso mooyee, waxkastaa hadday ku kacaan, in aan dhaliilo ogolayn, xiitaa hadday yimaadaan meel qalinkaygu ka gaadhayo. Hasayeeshe, hadday yimaadaan, meel gacantaydu gaadhayso, ogol in aan dhirbaaxo, oo aan weliba dhangadeeyo, maxaayeelay, wuxuu dhaqan ku leeyahay, waa xishood darro oo xaq ma laha.

Waase taariikh mudan in dib loo jaleeco, oo buugaag laga qoro, marwooyinka M/weynayaashii dalka soo maray. Waxaan taa u dhaafayaa hablaha, haweenka, marwooyinka qalinleeda ah, o o aan xeer, xaq iyo dhaqan somaliyeed oo ka horjoogsanayaa jirin. Marwooyinku hadday Ceyc ey soo dhaafaan, waa in la helaa marwooyin geeska qabta oo waabiya.

Dulucda halku dhega qoraalkaygani, kaa ma ah. Waxaan qalinka iyo qalabka u meeraray waa dawladan, dawladihii ka horeeyey, xumaan mooyee, xaal wanaagsan ka raacin. Waxaan si ga ar ah iskugu soo koobayaa, muranka ka dhashay xusbiyadii qaranka, dawlada iyo shir qaram eedka.


Durduro geel baa ku jaba ee

Damaacina waa xun yahayee

Dantuna waa lama huraan.

Dantuna waa lama huraan.



Xusbiyada qaranku, ma ah wasiirada golaha fulinta ee u magacaabi karo, eryina karo M/weyn ha JSL, sida ku cad sharciga iyo Axdi qarameedka. Hadduu qanjo ereyo oo kud magacaabo, cid kuma haysata, waa isaga iyo garaadkii. Distoorka ayaa awoodaa siiyey, inkasta oo xujo laga dhigay in golaha wakiiladu ansaxiyaan, oo dadka ka hubsadaan. Golihii wakiiladuna, waa fadhi id.

Xusbi qarameedyadu, way ka madax banaan yihiin, oo sida Axdi qaraameedka ku cad, dadwey naha ayaa xilka u dhiibtey, distoor iyo sharci ayay ku taagan yihiin. Isaga hawshiisa ma ah in uu farageliyo oo amar ka qaataan.

Hawshaa waxaa iska leh golayaasha sharci dejinta iyo garsoor ka madax banaan isaga. Oday aal dhaqameed, beelo, guul wade, waji ku macaasha midna shaqo kuma laha. Distoorka iyo sh arcigana, meelna kagama soo galaan, laakiin waa interest groups, political Pressure groups, tribal political pressure groups, regional political pressure. Dimuqraadiyada, ayaa ogol, siday u ogoshahay National Political Pressure Groups sida Madasha Wada tashiga iyo toosinta oo kale.

Qaybta danbe la soco.