Naadi cusub oo lagu
magacaabo Naadiga Akhr istayaasha Timacade oo
lagaga dhawaaqay Magaalada Gabiley
Hargeysa(Longlivesomaliland News )-Xaflad balaadhan oo loogu wanqala
yay Naadiga Akhristayaasha ee Timacade oo lagu Magacaabo “Timacade
Readers Club” ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Askar ee Magaalada
Gab iley, Xarunta Gobolka Gabiley. Waxana xafladan Daah-furka oo
ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay
Masuuliyiin tiro badan oo u bad nayd Abwaano ay ka mid yihiin
Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin(Dheeraad) C/raxmaan Maxamed Macalin(Baas)
Abwaan Cabdi Cli Xirsi, Mukhtaar Xuseen Yay, iyo koox qorayaal ah oo
ay ka mid yihiin:
Boobe Yuusuf Ducaale iyo Xasan
Cabdi Madar, sidoo kale waxa iyagana lagu casuumay Guddoomiyihii
hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo Dr.Maxamed Yuusuf
Aw Cali (Culimo) ,xubno ka socday Ururka wadaniga ah ee Hayda,
Ururka Wadaniga ah ee Soyda, Xubnaha Naadiga iyo Marti sharaf kale
oo aad u tiro badnaa.
Guddoomiyaha Naadiga Akhriska ee Timacade Readers Club, Mahdi Sheekh
Cabdi, oo ugu horayn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay
dham maan ka soo qayb galayaasha oo iyagu masaafo dheer u soo maray
ka qayb galka xaflada. Waxaanu si gaar ah ugu mahad celiyay qorayaal
aad u tiro badan oo Naadiga ugu deeqay Buug tiro badan oo ay iyagu
qoreen kuwaasi oo ay ka mid yihiin Qoraaga caanka ee C/raxmaan
Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Cabdi Madar, Jaamac Muuse Jaamac,
Dayib Askar, Jamaal Cali Xuseen, Jaamacada Lucy University, iyo kuwo
kale.
Mahdi Sheekh Cabdi, Guddoomiyaha
Naadiga Timacadde Readers Club, wa xa uu ka waramay sababta keentay
in waqtigan ay sameeyaan naadi sid an oo kale ah, in ay tahay
markii ay arkeen baahida loo qabo in dhalliny arada Reer
Gabiley kor loogu qaado aqoontooda wax akhriseed iyo dhiiri galin
loo soo sa meeyo dhallinyarada inta badan hiwaayada u leh in
ay wax qoraan. Mahdi sheikh waxa uu aad iyo aad ugu dheeraaday
muhiimada ay wax qoristu bulsh ada u leedahay iyo kaalinta ay
kaga jirto dhinaca horumarka. Isaga oo shee gay in ay yihiin
koox dhallinyaro ah oo isku xil qaantay hirtalinta arinkaasi oo ah
mid aad u wayn bulshada, Aqoonyaha nka iyo Masuuyliyiintana in ay
uga baahan yihiin garab si hawshan ka midho dhallinteeda loogu
guulaysto.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi
Am iin (Dheeraad) oo halkaasi ka akhriyay suugaan ka tarjumaysa
qiimaha ay wax qoristu leedahay. Waxaanu tilmaamay in bulshadu ay
baahi badan u qabto dhinaca qoraalka iyo habka wax qorista
labadaba. Waxa uu Abwa anku dh allinyarada ku dhiiri-galiyay
in ay ku dadaalaan wax qorida iyo akhriska laba daba.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Qoraaga caanka ah
ee Xasan Cabdi Madar, oo isagu u mahad celiyay dhammaan ka soo qayb
ga layaasha gaar ahaan kooxda dhallinyarada ah iyagu hawshaasi isku
soo duba riday.
Waxa uu aad iyo aad uga waramay Xasan Cabdi Madar sida iyo muhiimada
ay wax qoristu Aadamaha u leedahay isaga oo xusay in isagu uu inta
bad an ha been iyo maalin waqtigiisa ku qaato, wax akhris,
Hasa ahaatee, mar ka dady a wga caalamka loo eego aanay taasi
waxba ahayn, waxa uu dhal linyarada ku guubaabiyay in ay wax
akhriyaan oo badiyaan si ay u noqo daan kuwo wax qori kara.
Guddoomiyihii hore ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo
Dr.Maxa med Yuusuf Aw Cali(Culimo) oo isaguna halkaasi hadal ka
jeediyay ayaa si wayn ugu mahad naqay dhallinyarada isku xilqaantay
hirgalinta Naadigan. Waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu
joogay maalintii ugu horaysay ee Dalka Somaliland laga hirgaliyo
Naadi iyo Naadigan oo ah kii ugu danbee yay. Dr.Maxamed Yuusuf
Dhallinyaradii ka soo qayb gashay ayaa uu si wa yn ugu
guubaabiyay wax akhriska iyo habka wax qoridaba.
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Naciima Yuusuf Cilmi oo ka mid ah
Naa diga Akhristayaasha ee Timacade iyada oo goobtaasi ka jeedisay
hadal dheer oo nuxurkiisu ahaa qiimaha ay wax qoridu leedahay iyo
sida ay diint eena Ma caan ee Islaamku ay u dhiiri galisay wax
qorida iyada oo sheegtay in suura dii ugu horaysay
ee soo degta ee Qur’aankeena Kariimka ah Nabi Muxumed( Badbaado Iyo
Naxariisi korkiisa ha ahaatee) Lagu faray in uu wax akhriyo, taasina
ay muujinayso sida ay Diinteenu ugu hanwayntahay wax akhrinta.
Naciima Yuusuf waxa ay Dhallinyarada gaar ahaan Gabdh aha
filkeeda ah u soo jeedisay in ay inta badan wax akhriyaan si ay u
noq daan kuwa hadhaw wax qori kara oo aanay labadaasi marnaba kala
ma armi Karin.
Xafladan ayaa ahayd mid ay si wayn ula dhaceen dadwaynihii iyo
Martidii kala duwaynayd ee ka soo qayb gashay, ayaa dhallinyaradii
ka soo qayb gashay qaar ka mid ah barnaamij bakhtiyaanasiib ahaa oo
lagu soo daray waxa buug aag lagu guddoonsiiyay dadkii ku
guulaystay bakhtiyaan asiibkaasi.
Naadigan oo ay aas aaseen Koox dhallinyaro Wiilal iyo Gabdho ah ayaa
ay tiradoodu dhan tahay toban qof oo ka mid yihiin:
1. Mahdi Sheekh Cabdi………..Guddoomiye
2. Mustafe C/kariim Cali………….Isku
duwe
3. Amaal C/raxmaan Sheekh Cilmi…….Xubin
4. Saciid Khaddar C/laahi
5. Axmed Aw Nuur Ducaale
6. Axmed Sanyare
7. Naciima Yuusuf Cilmi
8. Axmed Maxamed Shaqale
9. Maxamed Arts
10. Rashiid Haybe
Saciid Khaddar Cabdillaahi
Gabileynews Reporter
Hargeysa Somaliland
|