Naadiga Akhriska Timacadde iyo Bandhiga Buuga Dhalandhool Tahriib




Naadiga Akhriska Timacadde {Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu ku Marti qaadayaa Dhamaan Bahwaynta akhriska Jecel In Naadigu kuu soo Bandhigi Doono Buugoodii Afraad Habeenka Jimcuhu soo gelayo ee ay Taariikhdu tahay 30/04/010.

Waa Buugga DHALANDHOOL TAHRIIB ee uu Qoray Qoraaga Da,da yar ee DAYIB A. ASKAR, waa Buug ka Hadlaya Dhibta iyo Hadimooyinka Tahriibku u gaysato Dhalinyarada.

Naadigu waxaa uu Buugan u soo bandhigi doona Qaab Casri ah oo farshaxanimo, Dhalinya radana Xiiso Galin doono.


Taariikhdu waa 30/04/010.

Wakhtiga: 7:00 Pm Fiidnimo

Goobta: Askar Hotel Gabiley/somaliland


Timacadde Readers Club (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa Cid kasta oo jecel inay Wax  akhr ido, wax Qorto, Suugaan diyaariso, Buug Soo bandhigto, kana Qayb qaadato wacyi galinta Dhalinyarada iyo Dhaqanka Suuban

Ka soo Qayb Galkaagu Waa Muhiim.
 

 

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
TRC Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com
Gabiley/Somaliland