Naafada iyo Agoomaha SNM oo sheegay inay bannaan-bax kaga jawaabayaan hadalkii wasiirka Maaliyadda
 

 


Hargeysa 18, January 2011 (Ogaal)- Naafadda SNM iyo Agoomaha qaranka, ayaa ku hanjabay inay banaan-bax ay kaga soo horjeedaan hadal ka soo yeedhay wasiirka Maaliyadda ay ka  dh igi  doonaan gobollada dalka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Axaddii doraad shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu sheegay in mushahar-kordhinta 100%-ka ah ee ay xukuumaddu u samaysay ciidamada dalka iyo shaqaalaha dawladda aanay saamayn doonin Naafadda iyo  ha wlgalka oo mushaharooyinkoodii hore qaadan doona.

Hase yeeshee, sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray Maxamuud Guulleed Magan oo  sheegt ay inuu yahay Afhayeenka Naafadda qaranka, waxay hadalka wasiirka ku tilmaameen mid  aa nay filaynin oo ah xaq-darro ku dhacday Naafadda qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xukuumaddii talada wareejisay ee Rayaale aanay marnaba  Na afadda ka reebin wax ay u kordhisay shaqaalaha, isla markaana uu go’aankani yahay mid ay aad uga xun yihiin, maadaama sida uu xusay ay xukuumadda cusub ka sugayeen inay daryeel u samayso kooxdooda. Qoraalkaas oo ay faafisay shabakadda wararka Internet-ka ee  Hadh wanaagnews, waxa uu u dhignaa sidan; “Naafada iyo Agoomaha Somaliland waa kuwa ugu taagta daran qaranka, waana qaar u baahan in wax loo qabto.

Haddaba, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilligii ay ku jirtay olalaha doorashada waxa uu ku doodi jiray inuu mudnaanta siinaayo Naafada iyo Agoomaha, maadaama oo ay yihiin dad ku waxyeeloobay halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey. Waxaanu ka xunahay in maanta uu Wasiirka Maaliyaddu yidhaahdo Naafadu waa wax Mushahar ah malaha oo waa hawl-gab, maanaan filayn oo waa xaq-daro ku dhacday Agoomaha iyo Naafada qaranka Somaliland.

Dawladdii hore ee Madaxweyne Rayaale oo lagu xaman jiray Eexasho iyo musuq-maasuq  wali geed kamay reebin Naafada iyo Agoomaha wax ay u kordhisay Shaqaalaha, markaa waxaanu aad uga xunahay anagoo ah Naafadii qarankan Somaliland naftooda u huray in Wasiirka Maaliyaddu uu iska go’aansado inaan waxba loo kordhin Naafada iyo Agoomaha, isla markaana ay ku sheegto hawlgab. Waxaanu dawladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed  Max amed Maxamuud (Siilaanyo), ka sugaynay inay Faniinada ka saarto oo ay cusbitaalo dibadeed u raadiso Naafada qaranka oo ay dhaqaale kab u raadiso, hase yeeshee maanaan filayn in nala yidhaahdo waxaad tihiin hawl-gab.

Sidaa awgeed, waxaanu ka codsanaynaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo inuu  ar rintayada wax ka qabto oo xil weyn iska saaro, maadaama uu yahay oday Mujaahid oo  qaran ka waxa loo soo galay si fiican ula socday, haldoorkii hogaamiyeyaasha ururkii SNM-na ahaa.

Ugu dambayntii, waxaanu Xukuumadda la socodsiinaynaa in Naafada qaranka iyo Agoomaha dalka Somaliland ay dhigi doonaan Banaan-bax salmi ah oo gebi ahaan ka dhici doonta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.”
 

Source:Ogaal