Nabadan
laysku khuukhinayo horta xagay taalaa?
Ma goob aan cidi arkayn bay
taalaa? Ma daruuraha cirka taaganbay ku dhexjirtaa oo waan
lagaranayn? Ma meel in yari ogtahay ayey taalaa? Dadkii dawakhaye
nabadan lawada ilaalinayaa meeday? Cideese laga ilaalinayaa? Waxaa
haboon inay ummaddu is waydiiso nabadan cida dhibaatadda kuhaysa een
rabin inay waarto.
Dahir Riyaale iyo kooxdiisu ayaa kow ka ah kuwa dagaalka kula jira.
Xukuumadu waxay halqabsi ka dhigatay 'In nabada la ilaashaddo'
iyagoon sheegayn cida ay u socdaan iyo ujeedooyinka ay ka leeyahiin.
axaa iyana fajac iyo amakaag ku noqotay ummaddii, Guurtidan kitaabka
alle gacanta saartay, si ay dhex uga noqoto dhinacyadda iska soo
horjeeda iyagoon cid gaara u xaglin, hase yeeshee baal martay xaqii
laga sugayey, ilaawayna wacadkii ay ummaddan lagaleen ilaahayna
markhaatiga ka ahaa.
Ummaddii jaahwareer baa ku dhacay, waxaanay garan la'yahiin dhinaca
ay ka jirto nabadu iyo cida duulimaadka ku ah ee laga ilaalinaayo.
Hadaba waxa dadku aanay fahmin in ujeedadu tahay, is dila; kala
shakiya; qolo-qolo isu qabsada si maamulkani isu biliqaysto hantidda
ummadda, la laliyona dhib kastoo ummadani u soo martay si ay u soo
ceshen lahayd xoriyadoodii godka ku dhacaday kumanaankuna u naf
beeleen. Waxaa madaxweyne-ku-xigeenka wakhtigiisii galbaday, ka
dhawaajiyey dhawaan, in Soomaaliland la jaanqaadi karto dawladda
Sheikh Shariif, iyagoo intaa ka horaysana fulin doona sidii lagu
hirgelin lahaa ujeedooyinkaa qarsoon.
Jabuuti ayaa iyana ka ciyaaraysa door weyn amuuraha Soomaaliland,
gacmahana loogeliyey masiirkii ummaddan, iyadoo laga war qabo
kaalintii ay ku lahayd ayaamahii qadhaadhaa ee ummadani soo martay.
Waxaa iyana qoyan oo la gubay hantidoodii ina ku naf beeshay,
muwaadiniin reer Jabuuti ah, danbiga ay galeena yahay waxaad ka soo
haajirteen Soomaaliland,iyadoo intii masuuliyeenta ahaydna digniino
loo diray kaga baxa dalka ku xardhantahay. Waa taa dawlada Dahir
Riyaale ay walaalaha yihiin. Ma heshiis qarsoon oon cidi la ogayn
bay wada qaateen? Miyey la ogyahiin wasiiradiisu? Mise albaabka ma
dhaafaan!
Hadaba ummadyahay nabadan wareertay, waydiiyey cida duulimaadka ku
ah, oo ku wargeliya inay ka fogaato meelaha lagu waxyeelenaayo,
iskana jirtaa cidan soo diraysa.
Wax kaloo lays yidhaahdaa ma hadhin, arrinkuna waa laba.
In wadankan la dumiyo oo gacmaha laga gesho koonfur oo quudhsigii
dib loo qaato, iyo
In xoog layskaga qabto cid kastoo isku dayda inay wadankan geedi
socodkiisa wiiqdo.
Haddii aan ummaddu doonan xaqeeda maanta, qaxii baa xigi. Markaa
ummaddayahay suubani ka kaca meesha oo muujiya waxaad doonaysaan,
ogaadana kuwa laysku khuukhinayaa waa idinka, nabadan la sheegayaana
waa idinka, haddii nabad la waayana kuwa la waayayaa waa idinka ee
ma aha kuwa buuxsaday kiishka iyo inta ku raacda xaqdarada ee
Guurtidu kow ka tahay.
Ahmed H. Ahmed Geedi
Waridaad media centre
|