NADIGA AKHRISTAYAASHA HALKAARAAN READERS CLUB OO SO BANDHIGAY BUUGU 13AAD
 



Burco (TNN)-Naadiga akhristayaasha Halkaraan Readers Club ayaa xalay soo bandhigay Buugii 13aad ee uu naadigu soo bandhigo, waxaana munaasibaddi Bandhiga Buugan lagu qabtay  Hot el Barwaqo ee magaalada Burco, Buugan uu Naadigu soo Bandhigay oo ahaa Buug uu qoray  M adaxweynaha Dalka Maraykanka Brack Husein Obama, Buugan oo uu kaga hadlayo  Madaxwey ne Obama Taariikh nololedkiisa, isla markaasna uu qoray isagoo ah qoraa dhalinyaro ah, Buug an oo la yidha Dreams of my father (Himiloyinkii Aabahay) waxaana halkaas si farshaxanimo, aftahanimo iyo weliba waayo aragnimo leh u soo bandhigtay mid ka mid ah Xiddigaha Naadiga ugu cad cad Nasra Kayse X.Diriye.

Waxay ahayd madal kulmisay Da'yar Tiro badan oo nooc walba leh, ayna soo camireen  Da'y artii wax akhriska caanka ku ahayd, waxa sidoo kale madasha Goob joog ahaa Guddomiyaha Ururka SYS, Agaasimaha Soyvo,G/kuxigeenka Murtimaal iyo weliba Guddomiyaha Dallada isku xidhka Dhalinta ee SAYNA.

Buugan ayaa ahaa buug aad muhiimisagoo welibana aad u qaada dhigayey halgankii uu nolsha u galay madaxwaynaha Dalkaasi maraykanka Mr.Obama, Buugan ayaa ka hadlaya in  dhalinyar adu ay la timaado han, maadama uu Obama kaga sheekaynayo Buugisa hankiisu halku  gaadhs iisnaa isagoo arday ah, iyo isagoo aan weynayn ba, waxaana uu heerka maanta joogo ku  gaa dhay Hanweyni iyo Dadaal.

Buugan oo da;yartii ay macaansanayeen qaabka farshaxanimada leh ee ay u soo koobtay una soo turjuntay Nasri ayaa Gebogabadiisii Su'aalo laga weydiiyey Nasra, waxaana ay  dhammaa nba su'aalahaas uga jawaabtay ugana qancisay qof walba sidii u urabay.

Gebogabadii munaasibadda aya lagu soo xidhay halxidhaalayaal la soo dhex dhigay da'yarta iyadoo qofka ka jawaabana la siinayay abaal marin ama jaasiad, sidoo kalena waxa jaaisado, shahaado sharafyo iyo Buugaag ba halkaas lagu Guddonsiiyey Nasra Kayse x.Diriye oo ahayd iyadu Inantii soo bandhigtay Buuga ( DREAMS OF MY FATHER )

Dhinaca kale Naadiga akhristayaasha ee halkaraan Readers Club waxa uu munasibadda kaga dhawaaqay inuu magaalada Burco ka furay madal wax akhris oo magaalada dhexdeeda ah  (public library ) kana faaidaysan doonan da'yarta oo dhami.


Ugu danbayntii munaasibadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxadeed, iyadoo dad badani isa sii weydiinayeen markii Hudheelka laga sii baxayey "waar yaa mar kale noogu soo celiye  Buu ga, alla macaanaaya" iyo ereyo la mid ah.





Hibo Jamac Cali
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland