Madaxweynaha Somaliland Oo Kulana La Yeeshay Hay’adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland

 



Dublin (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (S ilaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation).

Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaana halkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ax med Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somal iland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Qaran Nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen Dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraad ah.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku Wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debada Maxamed Biixi Yo onis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Sal eebaan Xaglo Toosiye, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Saf iirka Somaliland ee UK Amb. Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha ca alamiga ah, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mu dane Cali Axmed Cali.

Geesta kale Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Max amuud (Siilaanyo) waxay maanta kulamo balaadhan la yeeshay Hay’adaha Maalgashiga iyo H orumarinta ee Dalka Ireland iyaga oo la kulmay Madaxda ugu sarraysa hay’adahaas Investm ent and Development Agency (IDA) Marwo Eileen Sharps iyo Madaxa Enterprise Ireland Mud ane Gary Ford oo uu wehelinayay Mudane Eain Ire.

Waxaa kulankan lagu soo bandhigay Kaalinta ay Hay’adahaasi kaga jiraan Dhismaha Dhaqaal aha iy Horumarka gancsiga ee Dalka Ireland uu la leeyahay Dunida, waxaanay ka war bixiyeen sida ay Jamhuuriyada Somaliland ay uga faaiidaysan karto dhinaca Horumarinta Ganacsiga iyo kor u qaadida Maalgashiga ay Dunidu ku samayn karto Dalka Somaliland oo ah Dal dihin oo kha yraad balaadhan leh kuna yaalla goob istiraataji ah. Waxa kale oo ay madaxdaasi sheegeen inay ku farxeen Booqashada Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, isla markaasna ay danaynayaan xidhiidh balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Ireland.


Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis ayaa si qoto dheer uga warramay Taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo Khayraadka ku duuggan Somaliland, waxa uu wasiirku tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Nabdoon oo Dimuqraadi ah oo leh qawaaniin dhis an oo sahlaysa una fududaynaysa in Shirkadaha Dunidu ay Maalgelin ku sameeyaan Somalilan d. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somalil and Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo tilmaamay in la soo gaadhay xiligii ay Dundu Maalgashi ku samayn ahayd Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Shacbigeedu ay yihiin kuwo dalkooda dib u dhisay diyaarna u ah inay horumar ku talaabsadaan, dunidana ay uga baahan yihiin taageero. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo oo halk aas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Madaxda Hay’adahaas iyo guud ahaan Shacbiga Ireland, waxaana uu xusay in Qaranka Somaliland iyo Shacbigiisu ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan Dalka Ireland.