Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada u taagan Ee wada Q areenkiyo Diktoor qoranayee sheegtay Ee Qurus ka waa Reer tolkay qiil ka dhiganaaya

 

Anigoo oo waayadan wadankii ka soo maqnaa isla markaana Jeclaystay qaabka wax waliba u dhamaadeen Doorashadii & Xilwareejintii iyo Qaabka Dawlada Cusub loo dhisayba oo  dha maan ku dhamaaday si hufan ayaan ka biyo diiday maqaalo tiro badan oo waliba waxgarkii ummada iyo aqoon yahankii ka imanaya oo dhamaantood u badan ama ku salaysan  Beesh ayadii waxba lama siin iyadoo taas ay ka fiicnayd malaa in dhaliishu ahaato magacyada  da wlada la soo dhisay oo hadii aan dad munaasiba loo arkayn la yidhaahdo kaasi munaasib  m aaha ama hebel ayaan halkaas ku haboonayn madaama aan taas wax ka hadlayaa jirin  wa xay iila muuqatay aragtidayda inaanay sax ahayn in qofku ku doodo hadii beeshaydu wax ka wayday dawladu cadaalad maaha waliba ay taasi gashay dadkii aqoon yahanka ahaa  Anigoo markaas dareenkayga taas ka cabiraya isla markaana caalamka iyo sida dadka lihi ee muwaadiniinta ahi wax uga qabsadeen dareemaya ayaan tixdan yar ku cabiray mana ihi Abwaan sida dadka ninkii afar tiriyaaba u sheegto marmar ayaan yara Tuuraa sida aad ka dareemi doontaan midhahaba.


Waxa uu Yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin ay asxaab ahaayeen oo uu wadankii kaga yimi oo la Yidhaahdo Bashiir Cabdi Xariir:

 

 

Qiyaas gabay Bashiiroow baryahan Qaafkii maan tirine
Qalbigayga waataan ka jaray qodabadiisiiye
Qalin duure waaguu qaribay qaabadii dhigaye
Aan qotomiyo caawoo kalaan qun uga faalloone
Qurbahaan baryahan soo jiriyo,e Qaarad Eeshiye,e
Qorraxdaanu aragnaa dadkoo badiba qaafila,e
Qaybaa Aduunyadan ku nool Qoomkan Shiinaha,e
Qolo qolo ma sheegtaane waa Qaarad Waaxida,e
Qiimaha dhulkoodaad ka garan qaabka nololeede
Qusuur bay ka taageen Badiyo Qodanka Buuraaye

*****

Qiiroo Nin tiisii qaribay qaabadaan nahaye
Quruxna kuma lahoo Iyagu Qaadir may garane
Idinkoo Quraankiyo Cilmiga Qawlka Garanaaya
Saw inaan Qadhmuun ka hadalaa Qaayisnimo maaha
Anagu Qoomu Somaal baanu nahay waaba Qarinaaye
Waaba laga Qashaafaa Arlada Qaabkan aan nahaye
Qardufkiyo habaaskiyo Ninkaa Qadow ka Heesaaya
Ee Waliba Qooqa u bukaa waa Qisiyo Yaabe
Allahayow Qaribanaa Maxay Quf iyo Ciin daaqday

*****

Afartaa Qorsheeyee miyaan qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadlin saw murtida Qiimo uma yeelin
Qodob kalena waa qayb dadkaan uga qisoon doono

*****

Qarfadiyo Miyaa logu ogaa Qoloqolayn jaane
Qaadhaanka Guud Iyo Tolimo Qalayar Mooyaane
Ka Qadari Qaraabiyo Xigtada Qayrkood mooyaane
Waxaan qiilba loo helin markay Qalin ku doodaaye
Nimankaa Qurbaha Yuururee Qaylada u taagan
Ee wada Qareenkiyo Diktoor qoranayee sheegtay
Ee Qurus ka waa Reer tolkay qiil ka dhiganaaya
Aqoon yahay Qarnigan soo baxaw waa Qisiyo yaabe
Qaaid Xamari Iyo Wiilashii Qaiinimo Diiday
Qoomiyada Nimankaa ka dhigay Qarran Xusuus reeba
Iyaguba Qarnigan way Jiraan waana Qoranyiine
Qiimay ku leeyiin Dhulkii Qaayo iyo Nuure
Kuwan Qaaqda uun soo hayaa Qabar ka Joogaaye
Allahayow Qaribanaa maxay Quf iyo Ciin daaqday

*****

Afartaa Qorsheeyee miyaan Qaafki ka habaabay
Qadaf kuma hadlin saw Murtida Qiimo uma yeelin
Qodob kalena waa waanadaan Qun uga Faalooday

*****

Hadii Qaadirken Doorashadi Qayr inagu Dhaafshay
Oo uu Qiyaastiina Helay Qaa,idkaad wadatay
Qaadaa dhigeedii haduu Qoomam dhan u yeedhay
Qorshihii Hashaa lagu qasimay Qaybihiyo feenka
Ninka qaatay kii kaba qadiyo kii qawadi doona
Qamaamuurta Madaxdee Xirsugu qayd kamay heline
Cabdi Ciise Qayb lagama siin Qori Suldaankiiye
Ka Qatoome Reer Daahirkii oo Quud kamay heline
Qalin Samater kama qaadan oo muuse waa Qaadaye
Qusumkaasi waa mudan yahee Qoomomo la,aada
Qadafkana ka Jira Qaranimaa Qoys ka Waafiyaha,e

 


Magacyada Qabiilooyinka aan halkan ku xusay igama ahaa Xumaan waxaan u soo qaatay Hog otusaalayn kaliya waxaana igu kalifay Raga Reerahaas ka soo jeeda oo qaafiyada  gabay gu martay waxaanan ku faahfaahinayaa xaga hoose iyo sababata Insha Allaah.


Reer Xirsi (Xirsi Cusmaan ) oo uu ahaa Ninkii Cabdi Aw Daahir Xisbigana Muhiim u haa Reer Daahir(Daahir Faarax) Maxamed Kaahin oo la Garanayo ka soo jeedo

Reer Samater ( Reer Samater Sacad Muuse oo Muuse Biixi ahaa magaciisuna ku suagan yah ay) Iyo Cabdi Ciise oo ahaa Hogaamiyihii Xisbiga Ucid ee Mucaaradka ah oo wax badan  hanash ada Kumiye ee Kursiga ka suurogaliyay

Qaaid Xamari : waa Eng: Ciise Xamari iyo Ragii Commitionka doorashooyinka ku wehelinay
Markaas Qabiilooyinkaa waxaan usoo qaaday ragaas Muhiimka ahaa ee Xisbiga Kulmiye Kaalin ta weyn kagan Jirayba in iyaga iyo Reerahooda midna aan wax la siin waana Hoga Tusa alayn uun
 

 

 

Saleh AW Muusa Xasan
Yiwu China
Salah_mose@hotmail.com