Wajaale: Nin Mujiso ah oo Baabacooyinka Gacmaha Wax ka maqla oo Maan ta Cunta Joojin Sameeyay ka Dib markii uu Geeriyooday Walaalkii oo uu ku Tiirsanaa.

 


Alle ha u Naxariistee Waxaa Xalay Magaalada Tog-Wajaale ku Geeriyooday Axmed Muxumed Aw Xasan oo ay Walaalo ahaayeen Cabdi Muxumed Aw Xasan oo ahaa Nin

Alle ha u Naxariistee Waxaa Xalay Magaalada Tog-Wajaale ku Geeriyooday Axmed Muxumed Aw Xasan oo ay Walaalo ahaayeen Cabdi Muxumed Aw Xasan oo ahaa Nin mucjiso ah oo illaahay ka qaaday Arag tida indhaha iyo Maqalka dhagaha isla markaana Baabacooyinka Gacmaha wax ka maqla.

Cabdi muxumed oo ah nin Aad u Danyar ah oo Laxaad la, oo aan lahayn Ehel iyo Qaraabo Toono ayaa wa xaa Xalay ka Geeriyooday Walaalkiisii kali ahaa ee Dabari jiray noloshiisa, kaasi oo u ahaa indho iyo Miciin kaleba.


Cabdi muxumed Aw Xasan ayaa Sida uu ku Soo Waramayo Wariyaha Gabiley News ee Degmada Wajaale C/risaaq muxumed Aw Daahir ayaa la sheegay inuu Cunto joojin Sameeyay ka dib markii uu Geeriyooday Wehelkii kali ahaa ee uu Dunida ku lahaa isla markaana Daryeeli jiray, Ninkan mucjisada ah ayaa sheegay in Maadaama uu Geeriyooday Walalkii Axmed oo ahaa Qayb ka mid ah noqoloshiisa, aanay jirin cid halkiisii u gali karta, sidaa awgeed uu xusay inuu Rabo inuu isna Raaco oo aanay noloshu waxba ugu Fadhiyin.


Guud ahaan Dadwaynaha ku dhaqan Degmada Wajaale ayaa Dareen Naxdin leh ka muujiyay Geerida ku timi marxuumkan oo Masuul ka ahaa Miskiinkan laxaadka la, ee ubaahan in Cid u Miciinta.


Masaajidada Degmada Wajaale ayaa Maanta si wayn loogaga hadlay Khudbadii Jimcaha iyada dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku tukanayay Uga duceeyeen Masaajidka Ninkaa mucjisada ahaa isla markaana loogu baaqay Bulshadu inay Caawiso.


Ninka Mucjisada ah oo hore ay u geeriyoodeen Hooyadii, Aabihii iyo Walaalihii ayaa Maanta ay ugu biirt ay in uu raaco Walaalkiisii ugu Danbeeyay Ehelkiisa oo Gacanta ku hayay, taasi la odhon karo nolosha ninkaasi halis ayay ku jirtaa haddii aanu helin Cid Gacan qabata oo Noloshiisa Dabari karta.
 

 

 

 

Mustafe Future
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com