Nin u dhashay Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley oo loo dhiibay Ciidamada Ethiopia ee Wajaale degan

 

Maxamed Axmed Muxumed (Maxamed Oromo ) oo ku dhashay magaalada Arabsiyo, kuna barbaaray Degmada Allaybaday oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaa afar saraakiil ka tirsan CID-ka Somaliland ay u iibkeeyee saylada dadka ee ku taala magaalada Tog - Wajaale ee Gobolka Gabiley, Odayaal ka socda degmada Allaybaday oo ay qaraabo yihiin ayaa wiiken dhexdiisa u tagay Madaxweynaha JSL, waxay hordhigeen sedex qodob oo kale ah:

1. In si dhakhso ah loogu soo celiyo xoriyadii Maxamed Axmed Muxumed.

2. In raali gelin galin laga bixiyo ninka wadaniga ah ee la yidhi Oromo ayaanu moodaanay oo waa la iibkeeyay.

3. In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado afarta nin ee magacaantooda la garaano ee ninkaa iibkeeyay, arintaas oo fadeexada ku ah beesha Allaybaday iyo xuquuqda muwaadin u dhashay Somaliland.



Dhamaan dadweynaha Degmada Allaybaday waxay sugayaan, soo daynta inankooda iyo raali gelin la siiyo umada Somaliland, sidaa waxaa yidhi, oday ka mid odayaashii Madaxweyne riyaale la kulmay oo aan shalay Hargeisa kula kulmay.

 

 



Wariye Maxamed Yussuf

Hargeisa, Somaliland