Ciyigii waa ka beryey ninkii cunay baa ka liita (Magacaabista Degmooyinka)
 


Ninka colaad ku bililiqaysta waxaa ka xun ka nabada kugu bililiqaysta, ka addduun ka  bililiq aystana waxaa ka xun ka garaadka kaa bililiqaysta, UDUB wuxuu falay soo kuwan  fasaqa ya wuxuu falay Kacaankii.

Waxaan taabacsanahay oo jecel ah in maamulka lagu dhaweeyo dadweynaha oo la  ballaa dhiyo oo taladu ay ka soo go'ado dhoorada, geeljiraha, adhi jirta, lo' jirka, dhallinyarada iyo waayeelka. Waxaan aaminsanahay in ay tuulo kastaa iyadu danaheeda iyo  baahiyahe eda ka taliso oo ka shaqayso sidii ay u horumarin lahayd. Waxaan aaminsanahay in  cadda alladu ku jirto in reer miyiga, dhuxulaysatada, biyoolaha, xaabaysatada iyo maxaysato oo dhan tallada laga qaybgeliyo oo dawlada kasta oo timaada talladooda iyo baahiyahooda tixgeliso.

Si taa loo helana waan in maamul goboleedyada, degmooyinka iyo tuulooyinka la badiyaa oo fursad la siiyaa dadweynuhu in ay tallada tuuladooda u madaxbanaadaan  islamarkaa na ta qaranka ka qaybqaataan. Waa in la wiiqo waxyi ka soo dega guriga madaxtooyo  la gu sheego oo isagu keligii ka talayi dalka oo dhan, dejinaya qorsha aan ku salaysnaayn  ta llada dadweynaha iyo baahiyahooda. Ma ogoli tallo iyo ammarro cirka ka soo dega iyo  ca asimada iyada oo aan dhulka iyo deganayaasha lala tashan, la waraysan oo aan wax la weydiin. Ma ogoli dawlad soo magacawda koley maraan, qurba maraan walaayo ku nool, beel maraan, madaxtooyo maraan, marwo maraan, siyaasi maraan, abti maraan, adeer maraan, oday maraan, seedi maraan, sodog maraan oo kaas uun wax weydiisa dawladdii hoose ee dadweynuhu degmadu u dhashay soo doorteena oo yasta, xaqirta oo amarta oo aan wax ay ka boobto mooyee iyaga waxba weydiin, waxna tarin.

Hasayeeshee, waxaan la yaabay, gobollada iyo degmooyinkan lagu baqamaalayo ee lagu codmaalayo dadweynihii lahaa. Gobolo magac keliya ah oo qorshaha maamulka iyo  miisaa niyada meelna ka soo gelin, oo khariidada ku jirin islamarkaana xuduudo kala lahayn, dawl adahooda hoosana waxba la weydiin. Gobolladaa tirada badan waxaa la keenay  badhosa abyo dulsaar ah oo mushaharka iyo dhacdhaca gobolka ka dhex samaystay, oo  magacaa bistoodii dhuxulaysatadii iyo caanaleydii iyo hilibleydii culays dhaqaale ku keentay iyo  cas huur saayida.

Shaqada keliya ee Maamuladii goboladii cusbaa ay ka hayaan waxay noqotay in guriga  M adaxtooyada war ku sii sidaan, warna ka soo sidaan, weel buuxa geeyaan, weel madhana kala soo noqdaan. Shaqadoodii waxay noqotay in ay UDUB u ololeeyaan islamarkaana  gob olka dhaqaale uga raadiyaan dadka codka lagaga iibsado. Waxaa intaa u sii dheer in ay b aalo gaaro ku noqdaan ciddii xusbiyada kale ku jirta ee gobolka uu joogo u dhallatay.

Waa yaabka yaabkiiye, iyada oo kuwii hore ee uu magacaabay aan xuduudahoodii la kala sugun loona maara laayahay badhsaabayadii dulsaarka ahaa sidii la iskaga furdaamin  lah aa, ayuu magacaabay degmooyin hor leh oo badidoodu ka soo jeeda gobolka Gabiley. Dad badana dhabarka laga dhirbaaxay oo la yidhi adigaa dhiisi noqon doona ee UDUB dadka so o geli. Maamul ballaadhin ma ah ee meel ka dhaca loo geysanayo garaadka dadweynaha. Cashooyin ayaa ka hadhay maalintii doorashada Madaxtooyada magacaabistana waa ciyi waa ka beryey, waxse aad uga liita kuwa mashxaradaya ee ku dhaantaynaya markaan d hergo dhiisi baan ahay.

 

 

 

Hamud Duale