Ninka Dibiga Qalayee Kadibiray Casuumee Dibjirkiina Qadiyow ‎Duco Kuuma Soo Hoyan Dulmibaa Ku Hoos Jira
 


" Check and balance" Seddexda Awoodood ee Xukuumadu ku dhisan tahay oo ...


Dunidan aynu ku dulnoolnahay Qaab-dhismeedyada xukuumadeed ee kajira waxaynu ka xusi karnaa sida “Dictatorship” Xukun ku dhisan Kalitalisnimo, oo awoodu nin kaliya gacanta ugu jirto islamarkaana xoog ku qabsaday Shacabka , waxa uu hagaa Awooda Siyaasadeed , Dhaqaale, Saxaafadeed iwm , waa mid  a an dhag u dhigin baahiyaha la dariska noqda Shacabka uu xooga ku qabsaday. “ Monarchy” , waa xukun Boqortooyo kaasoo awooda uu Qof kali aha haysto islamarkaan aan ka war-warqabin haysashada  awoo deed iyo mudadiisaba, waxaana uu ku yimaad Dhaxaltooyo .Aristocracy; isna waa Mid ka yimaad  Dabaq ada Sare ee Bulsho, ama Magaca dheer ama Reer Boqor ah tusaale ahaan Saudi Arabian Aristocracy.

 Democracy oo iyana ah ta afraad oo ay Awooda ugu saraysa leeyihiin Shacabku , waxa uu ku  shaqee yaa Danaha iyo Rabitaanka Shacabka , waa Machadka Xorriyada , waa mid Muwaadiniinta xaq u leeyhihiin inay wax doortaan lana doorto, waxaa lagu dhaqmaa Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah oo mudo ku salaysan, waxaa jira ‘ Check and balance” Seddexda Awoodood ee Xukuumadu ku dhisan tahay oo kala wada madax -banaan, tusaale ahaan Madaxweyne ma faragalin karo Shaqada iyo Waajibaaddada Baarlamaan iyo Garsoor. Waxyaabaha xisbiyada iyo Dadka daneeyaa ay u doortaan Isbedel waa si ayna cida xukunka haysa looga gadoomiyo ku tumashada Shuruucda dalka u taala.

Aan usoo guda noqdo fariintaydan, “ waxaan daah inaga saarnayn Qarankeenan Labaatan jirsaday iyo Taariikhda lama ilaawaanka ah ee ay kasoo kala qaateen Seddexdii Maamul ee dalka hore u soo maray taas oo ay usuura galisay Shakhsiyaadkii ay u xusheen Goloyaashoodii Wasiirada oo ahaa kuwa ku sifaysnaa Aqoon iyo Waayo- aragnimo ku aadanayd Dabeecadaha kala duwan ee Dalka yaalay. Balse Isbedelkii ay Shacabku keeneen 26 June 2010 ee aynu u dooranay Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu dhisay Xukuumad Shacabku ku hungoobay. Inkasta oo habka Dimoqoradiyada ee aynu qaadanay uuna waxba ka badelin hab-qaybsigii Beeleed ee aynu hore ugu soo dhaqmi jirney duruufo badan oo jira awgeed. “ waxaa laga hayaa Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu ku jiray Hawlaha Magacaabida Xukuumadiisa “ Gudigii Talo Bixintu Waxay Soo Jeediyeen 15 Wasaaradood, Bal Waa Taase U Qaybiya Beelihii Somaliland Oo Dhan?

Nasiib darro , Xubnaha Qurbajooga ee Xukuumadda ka tirsani waxay hilmaansan yihiin Nidaamka uu  Mad axweyne Siilaanyo u maray dhisida Golihiisa Xukuumada ee ay kamid ka yihiin, waxaana Maskaxdooda k aga sii jirta Nidaamyada ay ku dhaqmaan Dalalka Harumaray ee Qurbaha ee ay Qaxootiga ku ahaayeen, taasi waxay sababtay , is-faham la’aanta iyo xidhiidh – furashada iyaga iyo bulshada ku kala dhex timid, waxayna ka soo xidheen Albaabada Shacabkii Awoodiisa ay ku fadhiyeen Kuraasta .

Inuu Qaranku  bayla ho oo Shacabku Daranyoobo iyagaa u sababa , Taariikhda Somaliland waa markii u horeysay ee Dalka  Ga ajo loogu dhinto waliba Caasimadii Xukuumadu deganayd maxaadse umalayn  Go boladii , Degmoyinkii iyo Tuulooyinkii kale ee Dalkana. Waxa kale oo ay dhegaha ka fureysteen  Khilaafaa dada Maamul ee ka  holcaya qaar kamid ah Gobolada Dalka, waxay Xukuumada Siilaanyo ee Qurbajooga ka kooban  Curyaa misey Dimoqoradiyadii Curdinka ahayd, waxaynu ogayn Tacadiyadii lagula kacay   Sax aafada Xorta iyo Mauuliyiinteeda ee uu kamid ka ahaa Gudoomiyaha Wargeysa Waaheen Mudane  Maxa mud Cabdi Jaamac ( Xuuto) iyo Dacwadaha kaga socda Maxkamada gobolka ee ay sababtay Wararkii xaqiiqada ku salaysnaa ee ay usoo gudbinayeen Shacabka , dhacdadii naxdinta lahayd ee Todobaadkii hore ka dhacday meel Guriga Madaxtooyada u jirta 20 talaabo ee Ciidanka Amaanku Qoriga dabadiisa ay ula tageen Haween iyo Caruur Umadda usoo Bandhigayey oo ka Cabanayey Dayaca iyo Musuqmaasuqa ka taagan Hayadaha Garsooraka ee Dalka. Waxaynu ogayn Mudaharaadadii Ardayda iyo sidii foosha  xumayd ee loola dhaqmay, waxaa u damysay Muwaadiniintii Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ee M u’aaamaraadka Shaqo ka eris loo maleegay ee ka hor-mudaharaaday Xarunta Madaxtooyada horteeda oo Ciidan hubaysan inta loo direy laga dhigay kuwa Dhaawacyo loogaystay iyo kuwa Jeelasha lagu hubsaday, waa dhacdo xasuusta inoo gali doonta , “Ma Afweynaa Xabaasha kasoo baxay! “ Mashaqo abuuristii Siiraanyo uu Umadda u balan qaaday ayaa Shaqo ka Eryid dhashay.

Waxaa layidhi “ Fiintu Gudgudaha Soo Socda Ayay Kasii Qaylisaa” waxaa soo ifbaxday in  Dimoqoraadiya dii aynu ku naaloon jirnay Af-libaax gashay kuna Milantay Nidaamyada Xukun ee aynu sare kusoo  xus nay, Nin Odaya Ayaa Laga Hayey “ Hebel Eri Oo Hebel Ku Badel Waa Wax Uun HadhinadaaneAna  Waxa an Odhan Lahaa “ Xirsi Eri Oo Sifir Ku Bedel Waa Wax Uun Ha Qarsoonaadaane” .


Gabagabadii waxaan Shacabka Muwaadiniinta ah usoo jeedinayaa oo aan leeyahay “ Ceelna Inooma  Qo dna Ceelalyana Inooma Maqna “ aynu inagu Gacmaha is qabsano oo aynu Qaranimadeena wada  illaasha no oo yaan lagu halayn Xukuumadan Fashilka ah ee Boqortooyada iyo Kali-talisnimada u dhaxaysa.

Wabillahi Tawfiq

 

 

 

 

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
ixsaan2002@hotmail.com
Hargeysa 4418174