Ninka Reer u dhaanshee dhexda awr-kii
kaga lumay

  

Wadankan Somaliland waxaa u dhashay muwaadiniin jecel horumarkiisa,dh ibaatooyin badana usoo maray. Laga soo bilaabo xoriyad doonkii lagu  guu laystay lixdankii iyo dagaalkii dib u xorayn ee lasoo gaba-gabeeyey 18-kii may1991 kasoo ay muwaadiniin badani naftoodii kuwaayeen, qaarku  agoo moobeen, qaarkale ku naafoobeen.

Ilaa maanta oo ay 18-sano kasoo wareegtay waxaa wali muuqda oo aan la dafiri karin dhibaatooyinkii iyo dagaaladii qadhaadhaa ee ay muwaadinintu usoo mareen wadankooda, intii dhimatay ayaa meelihii lagu xasuuqay  muuq daan oo maalikasta roobabku soo qodaan, intii ku agoomowday ayaan  wad anka ku nool iyadoo ay baankoodu nolol aan fiicnayn ku noolyihiin, sidoo kale intii wadanka dartii u dhaawacantay baa joogta iyagoo naafo ah.

Sababta ugu wayn ee dhibtaa loosoo maray waa sidii ay muwaadiniintu u heli lahaayeen wadan ay leeyihiin oo ay si xor ah ugu noolaadaan. Rajada wayn usoo muuqatayna waxay ahayn in ay maruun arkaan wadankooda oo horumar gaadhay dhinacyada nabada, waxbarashada, dhaqaalaha iyo  ictir aaf buuxa oo uu ka helo bulshowaynta caalamka.

Si arintaa looga midho dhaliyo, loona abaal gudo dadkii dalkan dartii  dhibaa tadu usoo martay, waxay ahayd in lahelo dad isku duuban yar iyo wayn, dawlad iyo shicib iyo waliba inta gudaha joogta iyo inta dibada joogtaba. Hadii taa la heli lahaana waxaa hubaal ah inaynu gaadhi lahayn hiigis-geena iyo himilooyinkeena fog, dadkii nabadii ay dhaliyeen lahadhsadaana ay arki lahaayeen sidii ay rabeen intaasna ay abaal gud u noqon lahay.

Maadaama, muwaadiniitu ay doonayaan inay noqdaan dad hiigsanaya  horu marka iyo himilooyin fog, waxay ahayd inay yeeshaan sifooyin gaar ah. Tus aale ahaan inay noqdaan dad ilaaliya dastuurkooda, ku dhaqma shuruucda iyo xeerarka ay dhigteen, dad isjecel, aqoon leh, isku kaashada horumarinta wadankooda dhinacwalba, iskuna tanaasula markay isqabtaan.

Hadaba, muwaadiniinta Somaliland maaha dadkii maanta uu soo dhexgeli lahaa khilaaf, muran iyo isqabqabsi, maaha dadkii maanta jebin lahaa  shu ruucdooda, xeerarkooda ay dhigteen, maaha dadkii maanta beesha  caala mku ku odhan lahayd wadankiina sidan udhaama, mana aha maanta dadkii tanaasul laga waayi lahaa.

Khilaaf wuu iman karaa, lakiinse wixii kala saari lahaa muwaadiniintu waa dastuurka iyo shuruucda dalka utaal iyo iyagoo isu tanaasula markay  ark aan dhinaca xalku kujiro. Waxaase muuqata dhawaanahay in dhibtii lasoo maray la iska ilaabay, ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka la iska tagay, siyaasiyiinta hirdamayaanka ay maalinba maalinta ka dambaysa sii kala fogaanayaan.

Hadaba, marka aynu eegno arimaha maanta socda iyo sida muwaadiniinta qaarkood u dhaqmayaan. Arinteenu waxay kadhigan tahay: Ninka reer udhaanshee Dadku dhawrayeenee dhexda Awr-kii kaga lumay.

Geba-gabadii, xalka khilaafkan siyaasadeed ee wadanka ka taagan wuxuu ku jiraa iyadoo siyaasiyiintu raacaan, horumariyaana halka danta dalka iyo ta shacab-waynaha Somaliland ku jirto, dabaqaana shuruucda iyo xeerarka dalku leeyahay, dibna isku xasuusiyaan dhibaatooyinkii shacabku soo maray.

 

 WABILLAAHI TAWFIIQ

 

 

 

 Mustafe Siyaad Yoonis
Hargeisa, Somaliland
Email: msyoonis@hotmail.com