Ninkii ka hadhi lahaa
iyo Ninki halgami laha ayoow Taariikhdu way
hadhi wayna kala hufmaysaa
Ilahay
ayaa mahad leh naxariisyo nabadi korkiisa ha ahaato nebi muxamed (csW)
Sida la wada ogsoon yahay waxa dalka somaliland laga filaya in ay ka
qab soonto doorashadii madaxtooyada oo loo mudeeyay 27 sep ee
sanadkan aynu ku jiro.
Hadaba doorashada ayaa in mudo ah waxay u baaqatay in natiijo lagu
kal sonaan karo u soo saaro server-ka oo ah mid loogu talo galay in
uu kala s haandheeyo dadki is diwaangalinya hal mar wixii ka
badan .
Hadaba waxa maanta ay koomishanku ku dhawaqeen in aan server-ku aan
u ahayn mid tayo wanaagsan ama waxa ay saluug weyn ka bixiyeen
soft ware uu ku shaqaynayo serverka iyaga oo kaashanaya khuburo
maraykan ah.
Hadaba sida koomishanku maanta xaqijiyeen in softwareka ku jira
server ka aanu ahayn mid laysku halayn karo oo sida uu sheegay
gudoomiye jaa mac.
Akhriste , hadanba mar hadii maanta la laalay server-ki mudo 3 jeer
ah dib u dhigay doorashada madaxtooyada maxa la odhan karaa baa hor
taagan doorashada madaxtooyada.
Sida la wada ogsoon yahay Qadhaan bixiyayaasha inaga cawin lahaa
door ashada madaxtooyada ayaa waxay shuruud ka dhigeen in la bedelo
hoga anka koomishanka doorashooyinka gaar ahaan labada xubnood ee
igu sar eeya koomishanka :
1.Gud.
Jaamac Maxamuud Cumar(Jaamac Swden)
2.G/xigeenka Cali Maxamed Cabdalla(Cali-Biikolo)
Labadan xubnooe ee Deeq-biyayaashu ay farta ku godeen ayaa waxa soo
kal magcabay madaxweyne rayaale oo hogaamiya xibul xaakimka UDUB iyo
Mud.Axmed siilanyo oo hogaamiya xibiga mucaraadka ah ee KULMIYE.
Hadaba labad xubnood ayaa waxay u arkeen in mansabyaadooda lagu soo
duulay waxayna xidheen difaac adag waxayna adeegsanayaan wax kasta
oo ay iskaga fogaynayaan eedaha ay u soo jeedinayaan deeq bixiyayaas
ha.
Khilaafka ayaa waxa uu noqanayaa mid yeelan doona 4 gees oo kulmiya
xukuumada,xisbiyada
mucaradka,koomishanka iyo
deeqbixiyayaasha. la mana garan karo midka khaladka leh ama
halka aya salaadu ka xidhmi la dahay.
Dhinaca kale xisbiga kulmiye ayaa ku
doodaya in aanay awood sharci u la hayn bedelida xubinta ay u
soo magacabeen koomsihanka isla markaana i saga riixay
madaxweyne rayaale.
Madaxweyne
Rayaale ayaa isna mudo dhaweyd shir jaraa'id oo uu qabtay
waxa uu ku shegay in ninka madaxweyne nimo u ogaaladay aanay jirin
sab ab uu ugu diido xubin koomishan isaga oo ka hadlayay soo jeedin
ay soo je ediyeen xisbiyada mucaradka oo ahayd in la bedelo
ama la kaabo oo wax lagu kordhiyo xubnaha komishanka qaranka ee ka
kooban 7 xubnood.
Marka laga hadlaaayo xal u helista arinkan ayaa waxay tahay mid u
taala damiirka labada xubnood ee fartu ku
godantay, waxana sharaf u ah in ay
shaqadooda uga tanaasulaan
danta caamka ah ee umada reer somaliland
Hadii taasi dhici waydo ,waa in mdaxweyne
Rayaale uu arinka gudi u saaro hadii ay ku cadaato umuuraha
lagu soo eedeyay labadan xubnood waa in la bedelo hadii ay ku
caddaan waydona oo umuurtani tahay is fahan la'aan waa in
madaweynuhu keeno xal lagu soo afjaro arinkan laguna bad baadin karo
sumcada iyo karamaada jamhuuriyad somaliland.
Xaqiiqdi maaha arin si cad looga gar naqi karo ama halka ay maanta
taaga ntay si fudud looga gudbi karo marka aad eegto sida uu uga
seexday ama aanay kaar ugu hayn
madaxweyne Rayaale
Waxa dadka siyaasada falanqeeya farta ku fiiqayaan in arinkan uu
madax weyne Rayaale arinkani ugu
qarxi doono sidii uu ugu fashilmay in
uu oofiyo go'aanki ay golha guurtidu ka soo sareen shaqaaqada
Ceel-bardaale taas oo inta uu dhegaha
ka furaystay maalinti ugu dambaysay 30kii maalmood ee golaha
guurtidi ku baqeen in lagu oofiyo go'ankooda uu madaxweynuhu
dhaqdhaqaajiyay odayaal isaga oo raba in uu meesha ka saaro go'aanka
golaha guurtida taasina waxay dhalisay in la laayo dad musaafiriin
ah oo aan waxba galabsan.
Hadaba waxa muhiim ah in la da'dajiyo xal u helida arinkan oo hada
soo dh aaftay waqtigii laysku tuur tuuri lahaa ama isku
eegista.
Waxan ku soo gebo-gebaynaya waa in Dahir
Rayaale ogaada hadii wada nka
doorasho ka dhici waydo 27 Sep oo ah
waqtigi koomishanku cayimay in aan loogu abaal
gudi dooonin mudo kordhin dambe, golayaasha
qarank ana looga fadhiyo in ay bad badiyaan
jamhuuriyada somaliland
Somaliland ha
jirto ha joogto
wa bilaahi tawfiiq
Mohamed Hassan
Xaleef
xaleev@hotmail.com |
|